updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

XILDHIBAAN LA’AAN WAA QARAN LA’AAN

XILDHIBAAN LA’AAN WAA QARAN LA’AAN
(Ama mooshinleey noqda ama Madax qaran noqda)

Xildhibaan la’aan waa qaran la’aan, maadaama ay Xildhibaanada qaranka
martabadaasi Dalka hooyo ka joogaan waxaa loo baahan yahay lagama
maarmaanna tahay si uu Qaranka u sii jiro soo celinta  karaamada iyo
sharafta Baarlamaanka Soomaaliyeed iyadoo lala simaayo heybadda
Baarlamaanada adduunka.

Maahinee mala rabo Barlamaan ku dhismay  Laaluush  &  Musuqmaasuq iyo
Nimankan madaxda saraa  wataan  ku dara xildhibaanada, Sodogeyga
Xildhibaan ha la iiga dhigo iwm. intaasi ka dib,
Dadweynaha  Soomaaliyeed badankooda  dastuurka  ma  yaqaaniin mana la
barin ee  waxay yaqaaniin  danahooda meel lagu haayo.
Marka waxaa la rabaa Barlamaanka Xildhibaanadiisa iney dadweynahooda
baraan micnaha Dastuurka iyo waxa uu dadka ugu fadhiyo dalka iyo iney
Xukuumada kala xisaabtamaan waxqabadkeeda & waxqabad la’aanteeda iyo
iney dadweynaha u horseedaan tusaalana ugu noqdaan dib u dhiska dalka
iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Barlamaanka inuu wax doorto  waxaa ka fiican inay dadweynaha wax
doortaan taasina iney dadka baraan iyagana bartaan xildhibaanada iyo
sidii lagu gaari lahaa Qofba & Hal cod ( One man & One Vote) ka hor
intaan la gaarin sannadka 2016 da.
Xildhibaaney qaylo ,buuq, feer & Caay (Mooshin macna daro ah) ha
isticmaalina ee sanduuq & cod isticmaala inta uu waqtigiina jiro.
Ama mooshinleey noqda ama Madax qaran noqda.

FIIRO GAAR AH:
Maadaama Xildhibaan hore aan ahay waxaan jecleystey in aan
Xildhibaanada Qaranka ee manta shaqeeya  ku biiriyo ama aan xusuusiyo
Tallooyinkan si ay u dardar geliyaan hawlaha baarlamaanka Dalka ka
hayaan:
•       Dastuurka, Xeer hoosaadka iyo Shuruucda dalka inay ku dhaqmaan
Xildhibaanada iyaga koow shacabka ka hor.
•       In wada tashi joogto ah ka dhex jiro gudoonka barlamaanka iyo  xildhibaanada.
•       In xildhibaanda badiyaan la xiriirka  deegaanka ay matalaan
bulshadeeda gudaha & dibbadda runtii qodobkan xildhibaanada qaar waa
fuliyaan, qaar kaloo badanna xataa ma yaqaaniin dadka at matalaan iney
ka war haayaan,waxna taraanna iska dhaafee.
•       In golaha Baarlamaanka uu xoojiyo xiriirkiisa qaybaha kala duwan ee
bulshada Soomaaliyeed guud ahaan si ay Dowladda ku kasbato dareenka
shacbiga ee ku nool gudaha iyo dibada Dalka.
•       Xildhibaanka sabab la ‘aanta hawwshiisa uga maqan in talaabo sharci
lagu qaado (Xeer hoosaadka) isla waqtigaas ku haboon si aan kooramka
marna loo waayin ka dibna xubnaha kalena u caajisin( U niyadjabin).
•       Xildhibaanada waa in fasax aan daruuri aheyn in aaney weydiisan ama
la siin xildhibaanada ( si aan kooramka loo waaynin )
•       Jiritaanka Baarlamaanka waa in la badbaadiyo waayo Xildhibaan la’aan
waa Qaran la’aan,runtii Xildhibaanada qaar waxaa jira intey joogaanba
tirsama.
•       Wasaarad walba qorsho hawleedkeeda ha u soo gudbiso Gudiyada
Barlamaanka ee wada shaqeynta ka dhexeeyaan ama xataa haka doontaano .
•       Go’aan kasta oo Barlamaanka gaaro waa in sidooda loo qaataa si aan u
noqon warqad go’aan ku qoran oo lagu daalay waqti & kharajna ku baxay
(waa haddii uu sax yahay).
•       In  gudiyadda  joogtada  ah   warbixin  ka  bixiyaan  hawshooda  loo
 idmadey  oo ah iney  warbixinno ka keenaan  hay’ado gaar ah dabagalna
ku sameeyaan.
•       In xildhibaanada Abaal marin & Ciqaabba ku helaan hawshooda,
Xuquuqda & waajibaadka shaqadooda         Barlamaanka.
•       Eed uusan Baarlamaanka lahayn waa in aan loo saarin,Baarlamaankana
waa inuusan ogolaan.
•       Baratakoolka Baarlamaanka in la dhowro.
•       Miisaaniyadda Baarlamaanka waa inuu isaga degsadaa,  waayo asagaa si
sax ah u og qorshahiisa iyo baahidiisa isagoon isla roonaan keligiisa.
•       Ajandaha Baarlamaanka ku shaqeyn lahaa waa inuu samemeystaa
(Ajandahey xukuumadda keensato ka sokow .)
•       Nuxurka Barlmaanka & kan Xildhibaanada waa in la fiiriyaa
(Qiimeeyaa) kalfadhi kasta ( Shuruudana loo sameyaa sida lagu
qiimeynayo)
•       In  xogheynta barlamaanka warbixin siiyo shir kasta xildhibaanada
iyo gudoonkaba lana helaa laybireeri  laga heli karo mar kasta
dukumeytiyada Barlamaanka  soo  saaro ama loo soo gudbiyo.
•       Madaxda dalka sida: (Madaxweynaha,Gud.Barlamaanka&
Ra’iisulwasaaraha) heshiis kastoo caalamka ama cid walba ay la galaan
oo danta dalka quseeyo waa inay Barlamaanka la socodsiiyaan xataa
sirta dalka wax uun ka ogaadaan si aanu shakki uga dhex dhalan
hey’adahaasi iyo Barlamaanka wada shaqeyntooda.

HAWL GUDASHO WACAN
MAHADSANIDIIN
Qore: Ex.Xildhibaan Garweyne Kuulow Aweys

Tagged under Somalia
 
 

 

Google+