updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Madaxweyne Obama Iyo Xaaskiisa Oo Ciyaar Jiibta Iyo Jaantu Isku dhacday La Yeeshay Caruurta Hindia+ Sawiro iyo Warar qoraalo xiisaleh .

  • Published in Wararka





Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama iyo Xaaskiisa Michael Obama oo labadii cisho ee u danbeeyay socdaal ku marayay dalka Hindiya ayaa si gaar ah u codsaday in soo dhawaynta iyo marti qaadkooda rasmiga ah ay ka noqoto, ka qayb galka ciyaar dhaqameed Caruurta Hinduuga ah ee dalkaasi sameeyaa wakhti gaar ah.

 

 

Sida warbaahintu sheegtay waxay Madaxweynaha iyo xaaskiisu si gaar ah u dalbadeen inay iskuul kuwa ciyaalka wax lagu baro oo boodhin ah kala qayb galaan Ciyaar dhaqameed dhinaca diinta Hinduuga u janjeedha oo afka Hindiga lagu magacaabo (Diwali), taas oo macnaheedu yahay Nuuraani oo kale. Iskuulkan oo lagu magacaabo Holly Niam kuna yaala magaalada Mumbai, waxay caruurta iyo lamaanaha ugu sareeya dalka Maraykanku wada ciyaareen, ciyaartaas oo qoob ka ciyaar ah, ama jiib iyo jaan labadaba leh, sida jariirado badan oo ka soo baxa duniddu baahiyeen, Madaxweyne Obama iyo Afadiisa Michael Obama ayaa ciyaartan oo sida caadiga ah la qabto wakhtiga Mahrajaanka Loo yaqaano (Lakshmi) oo dadka Hinduuga ahii ku sameeyaan waxay u yaqaanaan cibaadaysi, ayaa dad badan oo dublamaasiyiin ah oo wax laga waydiiyay qeexi kari waayeen ujeedada reer Obama ka lahaayeen la ciyaarista ciyaartan ee ay ciyaalka la qaateen, hasa yeeshee waxa si cad loo wada dareemay inay saarkii iska soo rideen, oo ay si wayn ugu mirqaameen, sida sawirkan ka muuqata akhriste waa Madaxweyne Obama iyo Afadiisa Michael oo maroojinaya caruurta dhexdooda si wayna ula dhacsan. Isku soo wada duuboo ciyaar dhaqameedkan ay caruurta la qaateen Madaxweynaha Maraykanka iyo afadiisu waxay soo jiiteen dadka warka fidiya oo si gaar ah diirada u saaray, kuna calaamadiyay bogaga hore ee wargeysyada iyo ciwaanada telefishanada iyo Idaacadaha. Hadaba ciyaartan oo caruurtu markii hore bilaabeen iyagoo ku labisan dhar midabo kala duwan leh, ayaa waxa si xamaasad leh ugu soo dhex dhacday Marwada Madaxweynaha oo sida ka muuqatay qiiraysnayd, daqiiqado yar markii ay golaha ku jirtay ayay holatay Saygeeda oo inta ay gacmaha soo qabatay ku soo dhex tuurtay Golaha, inkastoo Obama markii hore is yara adkeeyay hadana waxa uu ku soo dhacay golihii, ka dibna wuxuu tuuray koodhkii, isagoo shaadhkiisi cadaana la kala baxay oo dhexdii u giijisnayd kala furay, wuxuu madaxweynuhu lulayay qaarka sare, gaar ahaan garbaha iyo labada dhudhun oo inta badan uu matalayay sida ciyaar dhaqameedka Hindidu tahay. Markii ciyaartu dhamaatay ayaa caruurtii oo aad u faraxsani waxay sawir guud la galeen madaxweynaha iyo xaaskiisa.


Hawsha Guriga Oo Aad La Qabataa Waxay Keeni Kartaa Inaad Soo Jiidato Kalsoonida Iyo Jacaylka Xaaskaaga
Ugu yaraan toban daraasadood oo kala duwan isla markaana ay sameeyeen aqoon-yahano kala duwan oo dalal iyo qaarado kala durugsan ka soo kala jeeda ayaa si aad isugu dhow dhow u tilmaamay ahmiyada iyo kalgacalka ka beerma, marka Ninku Xaaskiisa kala qayb qaato shaqada Guriga isla markaana ka caawiyo waxyaabo badan oo shaqadeeda gaarka ah. Xog ururimahan oo laga sameeyay dallal badan oo qaarada Yurub ka tirsan, waqooyiga America iyo waliba dalalka Jabaan iyo Australia ayaa muujiyay, kalsoonida ka dhalan karta marka shaqada guriga lamaanuhu si wada jir ah u qabtaan. Sidoo kale waxay arintani sii xoojisaa dareenka iyo Hamada labada qof ee is qabaa isku hayaan. Arinta xiisaha badan ee daraasaddahani muujiyeen ayaa ah, in dumarku aad u jecel yihiin nadiifinta dhamaan qolalka kale ee guriga, hasa yeeshee aad ugu liitaan nadaafada qolka Hurdada, taas oo aad moodo in meesha qudha ee ay ka daalaan ama ka talax gabaan tahay qolka ay ku nool ninku isku dayo inuu kala qayb qaato ama intiisa ugu badan ka qabto shaqada taala, ayaa xiiso galin karta gabadha, inkastoo dhaqan ahaan ay yara adkaanayso marka hore isla markaana gabadhu ka yara boodayso in shaqada guriga aad ka qayb qaadato iyadoo xeerinaysa dhaqamo iyo caadooyin soo jireen ah, hasa yeeshee mar kasta oo lagu sii cel celiyo, laguna dedaalo in lagu camal falo waxay horseedaa, kalsooni iyo is jacayl badan oo qoyska dhex mara. Akhriste ogow in dhamaan daraasadahan iyo cilmi baadhisaha kala duwan ka hor ay diinteenu inoo sheegtay faa’iidada ku jirta wax wada qabsiga qoyska, iyo sida ninba ninka uu qoyskiisa ugu fiican yahay uga khary badan yahay, arintaas oo kun iyo afar boqol oo sanadood ka hor Nabigeeni Muxamed (NNKHA) uu inoogu sheegay xadiis saxeex ah, kaas oo macnihiisu ahaa “Waxaa idiinku khary badan ka ugu wanaagsan qoyskiisa, anigaana ugu wanaagsan qoyskayga.” Hadaba waxa cad in haweenaydu tahay qof naflay ah, una baahan in laga taageero wixii hawl maalmeed ah ee u yaala oo laga yaabo iyadoo la daala dhacaysa inay hadana dhaqan ahaan isku daydo inay qabato adigana ka qariso dhibteeda, laakiin ogow hadii aad kala qayb qaadato in isku soo dhawaansho iyo kalgacal ka beermayo. Waxa kale oo arimaha kalsoonida xaaskaaga aad ku kasban karto ka mid ah inaad xeeriso waxyaabaha ay jeceshahay, mararka qaarkood isku daydo inaad wax badan u qabato, haday tahay dhinaca dookha iyo haday tahay dhinacyada nolosha iyo hawl maalmeedka aqalka. Cilmi baadhayaashan ayaa tilmaamay in wax badan laga ogaaday baadhitaano lagu sameeyay qoysas badan, gaar ahaan kuwo haweenku guri joog dhaba yihiin, kuwaas oo la ogaaday in marka gabadhu maalintii oo dhan ka shaqayso guriga, diyaarinta cuntada, daryeelida caruurta iyo qancinta Ninka ay soo waajahaan caajis iyo niyad jab, isla markaana loo baahan yahay in la ilowsiiyo oo lagu dedaalo sidii dalka iyo culayskaa badan ee ku dhacay ay uga soo kaban lahayd. Waxaana arimaha ugu fudud ee lagu dhamayn karo tacabkaas ugu muhiimsan, sheekooyin badan oo madadaalo iyo xiiso leh, cuntooyinka ay danaynayso oo lagula dedaalo si kastoo loo heli karo, in lagala shaqeeyo hawlaha guriga, xitaa in ninku isku dayo sidii uu xaaskiisa u siin lahaa cuntada ugu yaraan. Hadaba waan garan karnaa in dad badan oo akhrisanayaa la yaabi karaan ama u arki karaan wax ka bad badin ah, laakiin akhriste ogsoonow in nolosha loo masa yahay, wixii aad dhibsato adiguna jeexaaga kale neceb yahay, wixii kugu culus ama cidhiidhi kugu ahiina si sidaa la mid ah u dhibayo, sidaa daraadeed raali gali lamaanahaaga maadama oo ay tahay qayb ka mid ah noloshaada iyo jeex ka beermay jidhkaaga ama ku lamaan oo hadii aad abuurto kalgacayl iyo kalsooni dhimashuuni idin kala kaxayn karto.   

Dacawo Khalkhalisay Koongarayska Maraykanka

Dhismaha labada gole baarlamaan ee dalka Maraykanka ee loogu yeedho Capitol Hill ayaa waxa khalkhaliyay habsami u socodkii hawlihii kala duwanaa ee ka socday, Dacawo weer ah oo sida la sheegay markii danbey iyadoo ugaadhsi ku jirta soo gashay beerta wayn ee golahaas, ka dibna u soo gudubtay gudaha, halkaas oo booliska iyo ciidamada amaanka ee xaruntu ku qaadeen weerar ay ku doonayeen inay kaga saaraan dhismah, taas oo dawacadiina naf la caarigii marba meel isku qaaday. Fadhigii golayaasha iyo hawlihii ayaa gabi ahaanba fawdo iyo jaho wareer galay, si baacsiga orodka iyo marba dhan u cararka, ay xaraabada iyo oorku ku jiro ayaa hadhaysay. Dhismaha Capitol Hill oo ku fadhiya dhul nus kiiloo mitir ku dhow waxa ku taala beer wayn oo lagu nasto, hasa yeeshee maalintii daraad beertaasi waxay noqotay mid wadooyinkeeda qur quruxda badan marba dhan loo cararo, isla markaana boolis fado fuul ah iyo kuwo kale oo sita xadhkaha lagu ugaadhsado ama lagu qabto Eyda iyo Dawacooyinka ay wataan. Runtii shirar aad u culus iyo hawl muhiim ahii kama socon golayaasha hasa yeeshee dad kala duwan oo dhismahaas booqday iyo masuuliyiin tira badan oo ka hawl gala ayaa qosol iyo ciyaar ka dhergay, halka kooxaha amaankuna daal iyo dhidid la daala dhacayeen. Dacada soo gashay dhismaha oo ahayd nooca midabka cas ee inta badan dalkeena ku nool oo iyadu ah mid orod iyo xarfad Alle ku manaystay ayaa ugu danbayntii ku guulaysatay inay ka baxdo meel aan la aqoonsan oo iyaduuni garanaysay, markii horana ka soo gashay dhismaha. Dhacdadan oo Tv-ga CNN- la haleeshay Kamarada maalintii daraadna baahisay ayaa noqotay mid xiiso badan oo aad uga qoslisay dadkii daawaday. Maaha markii ugu horaysay ee Dacawo soo gasho aqalkaas, waxaana dhacdadii tan ka horaysay ay ahayd sanadkii hore oo dacawadaasi gudaha u gashay dhismaha, taas oo horseeday anfariir iyo buuq, si rasmi ah u hakisay dood faraha la iskula tagay oo mudanayaashu ka lahaayeen Xabsiga Guwaatanama iyo arimihiisa, dacawadaa kal hore ayaa ugu danbayntii iyadoo firxad ah gashay qaybta dabka ee Congress-ka, halkaas oo ay ku dhimatay shoodh laydhka ka dhashayna uu sababay in mudo todobaad ah laydhku ka go’o oo shirarkii ku istaagaan.

Sawiradii Todobaadkan Ugu Naxdinta Badnaa

Sawiradii todobaadkan ugu naxdinta iyo argagaxa badnaa ee laamaha warbaahinta duniddu baahiso ayaa ahaa fulkaanaha degaanka Miraabi ee dalka Indonesia, kaas oo si aan lagu tala galin mar kale u qarxay isla markaana ku baahay degaano markii hore loo asteeyay goobo amaan ka ah cabsida iyo halista Fulkaanaha, hasa yeeshee qarax buurtaasi samaysay maalintii salaasadii wuxuu gaadhay meel tobanaan km ka fog halkii la sheegay in aanu soo dhaafayn fulkaanahaasi.

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+