updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

War-saxaafadeed: Kulamadii Wasiirka Arimaha Dibedda Ee Somaliland uu La Yeeshay Masuuliyiinta Dalka Itoobiya, Muddadii Uu Ku Sugnaa

  • Published in Wararka

HARGAYSA,(Dillapress.com)   - Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland  Dr. Maxamed C/llahi Cumar  oo mudo 4 Maalmood ah socdaal shaqo u joogay Magaalada Adis-abeba Caasimadda  Dalka Ethiopia.

Muddadii uu Wasiirku ku sugnaa magaalada Adis-abeba, wuxuu kulamo la yeeshay Ra’iisal Wasaare-xigeenka isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia Mudane Hailemariam Desalegn, iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Ambassador Seyoum Mesfin oo dhawaan loo magacaabay Safiirka  Dalka Ethiopia u Fadhiyi doona dalka Shiinaha.


Masuuliyinta Labada Dal kulamadooda waxay ku lafa-gureen oo ay isla jeex-jeexeen ka midho dhalinta iyo hirgalinta Qodobadii Wada-hadalkii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia ku gaadheen dhawaaan Magaalada Adis-abeba.

Wadahadalkan Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somaliland iyo Ethiopia waxay si wada-jir ah u diyaariyeen Jadwal Shaqo oo lagu Meel-marinayo lagagana Midho-dhalinayo Xidhiidhkan Cusub ee dhinacyada  Siyaasada, Ganacsiga iyo Nabadgalyada.

Labada Wasiir Arrimo Dibadeed Dr. Maxamed iyo Mudane Hailemariam Waxa kale oo ay wada-hadalkooda ku soo qaadeen Arrimaha Geeska Afrika Guud ahaan iyo  Cod-bixinta gooni isu-taaga koonfurta Sudan.

Wasiirka Arrimaha dibadu Dr. Maxamed mudadii uu joogay waxaa casho sharaf si wada jir ah ugu sooryeeyey Ra’iisal Wasaare xigeenka isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane Hailemariam Desalegn  iyo Wasiirkii hore ee Ethiopia Ambassador Seyoum Mesfin.

Socdaalkan waxaa uu qayb ka yahay dadaalka Xukuumada cusub ku horumarinayso  xidhiidhka ay shacbiga reer Somaliland la leeyihiin dalalka aynu jaarka nahay gaar ahaana Dalka Ethiopia, kaasi oo maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya.


Xafiiska Saxaafada

Wasaaradda Arimaha Dibedda Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ee Somaliland.

 

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+