updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Cuqaasha Iyo Odaayaal Ka Soo Jeeda Deegaanka G. Gabilay Oo Ku Eedeeyey Xukuummada Madaxweyne Siilaanyo Inay Qaab-Khaldan U Gashay Nabadeynta Ceel-bardaale.

  • Published in Wararka

Hargeysa Cuqaal iyo odayaal ka soo jeeda deegaanka Gobolka Gabilay ayaa markii ugu horeysay Sheegay in qaab khaldan loo galay qorshihii nabadeynta ee shalay Xukuummada Madaxweyne Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ku heshiisiiyey qaar ka mid ah odayaasha labada beeleed ee walaalaha ah ee isku haya deegaanka Ceel bardaalle.isla markaana waxay cadeeyeen inay soo dhaweynayaan in deegaanka Ceel bardaalle colaada ka taagan la soo afjaro,hase yeeshee waxay ka biyo diideen qaabkii loo agaasimay.

Cuqaashan iyo waxgaradkaasi  oo kala ahaa Caaqil Aw-Yuusuf Magan Faarax, Caaqil Ibraahim Abraar Mixille  oo ay wehelinayeen  odayaal  dhowr iyo toban gaadhayey  ayaa waxay maanta duhurkii shirjaraa’id ku qabteen Huteelka Fish and Stench ee Caasimada Hargeysa.

Ugu horeyn Caaqil Maxamed Cigge Geelle,oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi“Waxaan doonayaa inaan halkan ka salaamo Madaxweynaha iyo madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, waxaan doonayaa arrintii (Salaasadii) laga sii daayaan warbaahinta ee nabadeynta colaaddii Ceel bardaalle arrintaasi waa arrin yar khaldamay oo meeshiisii la marin.Lagamana qeyb galin salaadiintii iyo cuqaashii reeraha ee nabadda xudunta u ahaa. Hase yeeshee arrintaasi wixii ka khaldamayba waanu sixi doonaa.”

Sidoo kale Caaqil Nuur Cilmi Samatar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inaan Shirkii shalay laga qeybgelin Salaadiinta Iyo madaxdhaqameedka beelaha, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Wax nabadda ka maarmi karaa oo noole ahi ma jiro waanu u hambalyaynaynaa waana aanu u gacan taagaynaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkana waanu waanu is aragnay waana aanu ka balan qaadnay inaanu nabad qaadano. Waxase aan leeyahay waxaanu raacdaynaynaa nabaddii oo meel khaldan la mariyay.”

Caaqilku Nuur Cilmi Samatar waxa uu ku taliyey oo uu yidhi“Waxaan leeyahay nabadda la qaadanayo waa in la soo mariyaa nidaamkeedii oo laga tallo geliyaa waxgaradka iyo madax dhaqameedka.”

Oday Cumar Barkhad Bulaale, ayaa isaguna sheegay inaanay jirin cid nabad diidaysaa waxase uu xusay in dad ay nabadii fool halaabiyeen shalay oo ay mariyeen meel aan halkii laga bilaabayay ahayn.

Caaqil Cabdilaahi Qalinle Farriid oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] waxaanu u dooranay inay meeshi ay qodaxi taalo ka qaadaan oo dadka walaalaha ah heshiisiiyaan, wanaan ugu mahadnaqayna wada hadalkii nabadeyntii ay ku baaqeen, Arrinka shalay ee Saxaafada waa la baadi-gafay, maaha halkii baadida laga doonayey ee laga raadceynayey dadku dhaqan ayuu leeyahay oo Somaliland waa beelo isku timid meel-walna dhaqankeeda ayaa la yaqaana, ninka beeshiisa yaqaana, beesha labaadna meesha loogu tago ee lagala hadlo uu garanayaa, wax waliba xidhe iyo furre ayuu leeyahay Salaadiintu waa waddo shacbiga loo sii maro oo shacbiga ayaa doortay, Cuqaashuna waa wadooyin kala beeydh-baydha ninka wadaada ka beydhaa waa nin nabadgelyada xumeynaya”

“Annagu nabad ayaanu doonayna, dadka walaalaha ah ee aanu is dhalnay ee aanu wada dhalanay ee aanu wax wada leenahay ee khilaafku na soo kala dhexgalay, kayaga doonaaba ha gardarnaadee, nabadooda ayaanu doonaynaa” ayuu yidhi Caaqil Cabdilaahi Qalinle Farriid

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Soomaalidu waxay tidhaahda Sadex Abti aqalka ay u uduceeyaan waa la aqbalaa, Sadexda abti aqalka ay habaaraana waa la aqbalaa, Sadexda Abti ayaanu isku nahay, waxaanay sadexda Abti kala yihiin odayga Abtigii, Islaanta abtigeed iyo inanka ay dhaleen abtigood, Sadexdaaba waanu isku nahay ninka nadayada macaan naga xumeeyaa sadexda abti habaarkooda ayaa ku dhacaya”

“Waxaanu doonayna inaanay nabada dawladu baadi-gafin, inaanay u dirin cid nabada macaan innaga xumeysa, waxaan doonayna inay [Xukuummadu] wadadeedi marto oo ay Salaadiinta ku horeyso oo ay cuqaashana la hadasho”ayuu yidhi Caaqil Cabdilaahi Qalinle Farriid

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay odayaal iyo waxgarad kale kuwaas oo  dhamaantood sheegay inay soo dhawaynayaan wada hadalada iyo nabadda waxase ay ku baaqeen in cuqaasha iyo madax dhaqameedka laga qeyb geliyo oo dad aan xudun u ahayn arrinta.

Mustafe-Janaale

Hargeysa/Somaliland

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+