updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Qiso jaceyla "Iska Illow"

  • Published in Dhacdooyinka


Qeybtii 1-aad…………in cabbaar ah hadii aan dhacadiid uu jiifay, oo aan hurdo ku sari waayay, ayaan mar qura soo hinqaday oo aan soo fariistay, aniga oo inta labada gacmooQeybtii 1-aad

d kor u taagay, tobanka faroodna is dhaafiyay oranaya “aaa..aaa”, kadibna qoorta jucsanaya. Waxaa I haya caajis baas oo aan garaneyn halka uu igaga yimid, waxaanse u qaatay in dhafarkii habeenkaas aan ka qaaday cayaar ka mid ahayd horyaalka England oo aan daawaday, ay hurdo la’aanta iyo caajiskaba iigu wacneyd.

 

Goor sheegtada ayaan eegay mise..waaba 3:15 daqiiqo. “waqtigu socod gaabanaaa” baan inta anoo ciishoonaya iri dib sariirtii isugu tuuray. Intaa kadib waxaa ii xigay cod I dhahaya “Xamza…ka kac Maama, saaka hordada waad ku daahdayee”, markaas baa anoo sacabka isaga celinaya falaaraha arooryaad, soo kacay mise waa Hooyadey Maryan.

Hooyo baa igu tiri “beri waxaa baxaya Asad ee aroor hore iga kici soomaadan I oran hooyo..oradhee kac”, “waayahay Maama” baan inta iri haf kasoo dhahay sariirtii, hadaan saacadda eegay waaba 6:15 daqiiqo, 15 daqiiqo unbaaba ka hartay xiligii 6:30 oo an ku balan sanaa inaan Asad u raaco garoonka diyaaradaha caalimiga ah ee Muqdisho, oo uu maalinkaasi ka dhoofayay.

Aniga oo aad u deg degaya baan gaarigeygii Mercedes-ka ahaa dalaq kusoo dhahay, oo aan guriga kasoo baxay, waxaana aniga oo Xawaare ku socda isku soo dhigay wadada dheer ee Wadnaha, kadibna dhinac bidix ula leexday Isgoyska Howl Wadaag, waxaan fooda sii saaray dhinac Sayidka, dabadeedna midig isula dhigay wada Maka Al-Muakarama, aniga oo kusii wajahan xaafadda Taree Biyaano oo Asad uu ku noolaa.

Markii aan la leexday jid cadaha laga galo xaafadii baa mar qure indhaheyuga qabteen qof wadada bartankeeda taagan, mise waaba gabar, waxa ay ahayd qof aan dareemayo inay duruuf daashatay, balse qurux dabiici ah ilaaah ku maneestay, hadii ay hesho qof dayac tir ku sameeya, micnaha (dhaqaaleeya), waxa ay lahayd midab biyaha dahabka sidooda ah, joog bay lahayd, jirkeedu dhexda buu u yaraa dhinacyada kore iyo hoosena u yara weynaa si qiyaasan, waxaan ka samri waayay bushimo aad u qurxoon oo aan dareemay….waxaa aad cajiib u ahaa indhaheeda buur buuran iyo suniyaasheeda bil dhalatay oo kale u qurnaaa…

Markii aan in cabaar ah saa u daawanayay baan bilaabay inaan hoonka ku yeeriyo, mise maba dhaqaaqdo, hadana dhowr mar yeeray “ha sheegin nuuxsi ma laha’..markaas baan inta gaarigii ka degay qeylo dhegaha kaga shubay, anoo ornayaa… “adiga ma wadada baad iibsatay maxaad la dhex taagan tahay”, jawaab baan filayee aamusnaan bay iigu kaalmeysay…mar labaad baan qeyliyay, anoo wejiga gacanta faraheeda uga riixaya, misna dhahaya.. ‘oo maxaad noo quursaneysaaa…maad nala hadashid oo wadad ka leexatid”..balse jawaabteii aan ka helay waxay noqotay ilmo indhaheeda mar qura kasoo dareeray..naxdin anigii…. La soco qeybta 2-aad insha allah

Qeybtii 2-aad

………Jawaabtii aan ka helay waxay noqotay ilmo indhaheeda mar qura kasoo dareeray…naxdin anigii, anfariir baan qaaday, waxaan sheegana waan garan waayay, il biriqsiyo yar markii aan aamusanaa, baa aniga oo hadalka gef gefaya, cabsina ay iga muuqato, waxaan iri “een…een, abaayo iga raali noqo, hadii aan wax qaldan ku dhahay, ama talaabo qaldan ku dhaqaaqay, markaas bay iyada oo qar qareysa cod naxariis leh oo wadnaheyga gil gilay igu tiri “Illaah indhaha kuuma siin inaad ku jees jeesto, anigana iima tirin qalad aan galay, ee waa cibra qaadasho, inaan waxba arag oo aan meel aan u dhaqaaqo garaneyn waad aragtaa markaas baad qeylo dhegaha iiga jebineysa”.

Markii ay intaasi afkeeda kasii idlaanayeen, aniga waxaan lumiyay hadalkii, naxadintii i heysana kun jeer bay jibaarantay, wax aan sameeyo baan garan waayay, waxay igu noqtay arrin aanan filaneyn iyo anfariir, mar waxaan ku dheygagay quruxdeeda marna waxaan qalbiga iska dhahay “Alle adoo kale sidan kuma aadan wanaagsaneyn”, waxba yaanan hadalka kugu daalin’e, daqiiqado markii aan xaaladaas ku sugnaa, baan inta safaleeti jeebka iigu jiray lasoo baxay, isku dayay inaan ilintii ka tir tiro, aniga oo dhahaya “waan ku baryayaa iga raali noqon sida xaalkaagu yahay iyo sidaan maleeyay waa laba kala fog”.., balse mar Alaale markii aan Isheeda bidix ku bilaabay inaan ilinta ka tiro bay inta gacanteeda iska qabatay iska tuurtay.

“Abaayo ma qalad kale baan galay hadana” baan ku iri. “maya…qalad maadan gelin” ayay iigu jawaabtay. “oo maxaad waayahay’e gacanteeda isaga filiqday” baan hadana weydiiyay, intaa kadib bay ayada oo aad moodo inay waxooga degtay, islamarkaana gacanteeda ilinta isaga tireysa igu tiri “Waxaan diidayaa inaan galo riyo maalmeed been ah, naxariistan oo kale weligey ma arag, mana doonayo inaan gudo galo wax ku kooban il-biriqsiyo”.

Erayadaasi waxa ay noqdeen kuwa aan ka calool xumaaday, waxaana ay ii sawireen dhibka iyo nolosha liidata ee gabadha, si kastaba, aniga oo isku dayaya inaan qalbiga u hagaajiyo, kana saaro cuqdada, baan ku iri “Maya, saas ha oran, wax walba oo ku heesta way qornaayeen, waxa iman doonana way qoran yihiin, iska saar cuqdada, naxariistan iyo mid ka badanba waad heli kartaa, ee qalbiga kheyr u sheeg”, “Waad mahad san tahay” ayay si kooban ii tiri.

Intaas kadib waxaan bilaabay inaan furo isbarasho aniga iyo ayada ah, aniga oo hadalka ku bilaabaya “Barasho wanaagsan abaayo, magaceygu waa Xamza, waxaan deganahay xaafadda Geed-Jacey ee Degmada Wardhigley” “Wanaagsan oo wacan, waxaa la I yiraahdaa Istar, waxaan ku noolahay xaafaddan” ayay iigu jawaabtay.

Markii ay intaasi na dhex martay baan waxoogaa wadada gees uga leexiyay, si waanagsan baan u sheekeysanay runtii, waxayna ii sheegtay in gabar ay deris yihiin oo ay meel u wada socdeen ay meesha uga tagtay, ayada oo dib ugu laabatay gurigooda oo ay wax ku soo ilowday. Istar, waxa kale oo ay ii tilmaamtay gurigooda oo halkii aan ku wada hadleynay aan sidaa uga fogeyn, waxaan jecleestay inaan la balamo waqti kale, si aan wax uga su’aalo xaaladeeda nololeed, wayna iga ogolaatay, inkasta oo ay u muuqatay mid aan aaminsaneyn balanteyda iyo inaan ka dhabeyn karo, waxa ay la ahayd arrin aan isaga kaftamayo, balse anigu dhab bay iga ahayd, intaas hadii ay sheeko inoo mareyso, ayaa gabadhii wadada uga tagtay ay timid, aniguna waan macsalaameeyay kana tagay, waxaan sii aaday gurigii Asad, oo aan runtii aad uga daahay. Waxaana la kulmay saaxiibkey oo markaa albaabka kasoo baxay, waxba hadal waqti isagama aan lumin’e horey baan usii aadnay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi oo uu Asad kaga dhoofayay dalka USA, abaarihii 8:00 barqanimo, ayaan soo laaabtay markii aan saaxiibkey ku hubsaday Diyaaradda, markii aan gurigeena imid, baan bilaabay…..” La soco qeybta Saddexaad Beri….. insha Allah

Qeybtii 3-aad

………Markii aan gurigeena imid, ayaan bilaabay inaan mar kale is diyaariyo, aniga oo doonaya inaan aado Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, oo aan ka shaqeyn jiray, si aan usoo guto shaqadeedii maalnikaas oo aan afartii saac ee hore fasax ka ahaa.

Maalinkaas waxa uu ahaa maalin baal ka galay taariikhdeyda, habeenkii markii aan sariirteyda dul imi, oo aan gama’ isla lahaa..ha sheegin..waxaan bilaabay inaan ka fekero dhacdadii maanta iyo la kulankii Istar, waxa ay noqotay arrin qalbigeyga aan ka saari waayay, waxa qalbigeyga kusoo noq noqonayay, ayaa waxa ay ahaayeen quruxda rabi uu ka maneystay gabadha iyo Indho la’aanteeda, waxaan is iri… “hadii indhaheedu u caafimaad qabi lahaayeen, maxaa la isku dili lahaa!”, waxaan kale oo aan is weydiiyay suurta galnimada ah, in indhaheeda la daweyn karo”, hase yeeshee su’aashaasi waxaan u dhigtay kullanka aan ku balan sanahay aniga iyo ayada.

Habeenkaas waaga waxa uu iigu baryay ka fekerka Istar iyo marxaladda nololeed oo ay ku sugan tahay, waxaan dareemayay in qalbigeyga ay kusoo noq noqanayeen erayadii na dhex maray, ma garan karin waxa ugu wacan, oo ay sidaasi saameynta iigu yeelatay durbaba, laakiin waxaan ogaa kaliya in habeenkaasi ay qalbigeyga ka xanibtay dhaq dhaqaaqyadii kale, oo iyada un iyo ka fekerkeeda aan waqti badan ku lumiyay.

Maalmo ayaa kasoo wareegay la kulankeygii Istar, waxaana maalmahaas wax weyn iska bedeley dabcigeyga, oo feker un baan ka bixi waayay, Waxaa iga yaabay Aabahay Xaaji Maxamed, Hooyadey Maryam iyo labadeeda Ayeeyo ee Hooyo iyo Aabe kala dhalay, iyo Walaalkey Anas, kuwaasi oo la yaabanaa is bedelka igu dhacay.

Si kastaba, waqtigii ayaa gurmay, waxaana la gaaray habeen Talaado ah, 7:00 fiidnimo oo gow ah, waa xilligii aan ku madaleysnaa guriga Istar, inta aan is habeeyay baan gaarigeygii ku dhacay, waxaan abaaray gurigii Istar. Runtii markii aan tagay guriga, ayaan deymo u galay guriga, waxa uu ka turjumayay nolosha hooseysa ee Istar, eegmadiisa waqti isagama aanan lumin’e albaabka ayaa garaacay, waxaana iga furay wiil yar oo Istar la dhashay, “ma joogtaa Istar baan ku iri”, markaasuu I weydiiyay “Ma Xamzaa adiga”, ‘Haa baan ku iri”, isna “soo dhaaf” buu iigu jawaabay.

Waxaa la I geliyay qol laba joodari ay dhex taal, oo jiingad ka sameysnaa, halkaasi oo ay igu sugeysa Istar, markii aan galay baan kula kaftamay “waan ku salaamay quruxleyda”, markaas bay iyada oo xishooneysa wejigana hoos aadineysa si dhoola cadeen ay ku jirto iigu tiri “hh..hh waan kaa qaaday aboowe”.

Salaan iyo kaftan kadib waxaa bilaabaty Sheeko iska caadi ah, waxay inta badan I weydiineysa iguna cel celineysa sababta aan u go’aansaday inaan ula balamo, ulana kumlmo, islamarkaana aan ula xiriiraaayo, anna waxaan u sheegayay inay tahay wax iska caadi ah, barashada aan ayada bartayna ay tahay mid la mid ah tan aan dadka kale barto. Sheekooyinkaas oo dhan aniga dareen uma aan hayn, waxaana ka fekerayay su’aal qalbigeyga ku taagneyd sida aan u weydiin lahaa Istar, waxaan aad uga cabsi qabay in su’aashaas ay qalbigeeda dhaawici doonto, ama qaribi karto hanaanka sheekadii inoo socotay iyada iyo aniga.

Waxay ahaataba, hadaan wa xoogaa is celiyay ayaan ugu dambeyntii go’aan nafsiyeed ku gaaray inaan weydiiyo, waxaana ku iri….. “Xaqiiqdii Istarey waxaad tahay gabar aad u wanaagsan…laakin waxaan rabaa inaan….” Markii aan hadal halkaasi marinayo ayay iga dhex gashay, ayada oo qosleysa, ina dhaheysa “…aniga ma wanaagsani, qof ii muujinaaya inaan wanaagsanahayna adiga un baaba kaa arkaa…ma garanayo waxa jira..indho la’aanta ayaa la igu nacay baan filaaa…kkk…kkk…kkk”.

Runtii erayadaas qalbigeyga ayay dhaawaceen, ilin ayaana indhaheega kusoo istaaagtay, aniga oo isku dayaya inaan u muujiyo inay tahay weli qof lagu xisaabtami karo, oo wanaagsan ayaa ku dhahay “..maya saas ha oran, miyaadan maqal oraahda dhaheysa (qofka wanaagsan dadka wuu ka dhex muuqdaa xitaa haddii uu dhar duug ah wato), marka wanaaga waa qalbiga ee maahan muuqaalka kore, ee niyadaadi wanaaji, waxaan kuu ballan qaadayaa inaan weligey garabkaaga ahaan doono”, hadii aan intaas ku qalbi qaboojiyay, ayaan usoo laabtay su’aashii qalbigeyga ku taagneyd, waxaana weydiiyay……lasoc qeybta 4-aad beri insha alla

Qeybtii 4-aad

………Waxaan Weydiiyay, “Sidee ayaad ku indho beeshay, goorma ayaadse indho beeshay”. Runtii jawaabta su’aashaas aad ayay ugu adkaatay Istar inay si fudud uga jawaabto, anna wax aan filayay bay aheed’e, lama aanan yaabin waxaan siiyay fursad ay ku hadasho, cabaarna waan u aamusay. Markii ay waxooga aamusneyd ayay ayada oo madax luxeysa, diidmana muujineysa igu tiri “..iih…maya Xamza,w aan ku baryaaa sheekadaas inaan guda galo ma rabo ee iga dhaaf…waa qiso xanuun badan runtii”, kama aanan yeelin’e “inaad ii sheegto mooyaan’e gow iyo gash ma leh”, baan ku iri. Dood dheer kadib waxaan ku qasbay inay sheekadaasi ii guda gasho, iyadana waxoogaa way I qadarineysay’e, way iga ogolaatay.

Intaa kadib, ayaan inta fadhiga qaabeestay, labada sacabna labadeyda dhaban ku qabsaday, aniga oo isku diyaarinaya dhageysiga Sheekadeeda, markaasaan ku iri “haye ii bilow hee…”, inta ay “ok” iguu hadal gaabisay ayay sheekadii daaha ka rogtay, ayada oo ku bilaabeysa… “…Aabahay waxa uu hooyadey guursaday, isaga oo aan waxba heysan, laakiin aad u niyad wanaagsan, hooyo iyo Aabe, waxa ay iksu guursadeen Jaceyl, si kastaba aniga ayaa nasiib u yeeshay inaan noqdo mirihii ugu horeeyay ee Jaceylkooda ka dhashay, inkasta oo laba kale ay iga daba mareen, markii aan dhashayba Aabe Jaamac Dheere, dhaqaatiir ayaa uga digay in indhaheyga aysan wanaagsaneyn, laakiin digniintaasi Aabe waa uu iska dhego mariyay, wuuna fududeystay. Si kastab markii aan noqday lix jir, ayaan la igu arkay indho xanuun, subaxii markaan kacayo, waxaan soo toosi jiray indhaheyga oo isku dhegan, mana aysan kala fuqeyn ilaa biyo la ii kululeeyo, oo la igaga meero, cad ceeda iyo iftiinkaba waa ay I dhibi jireen, oo maanan u adkeysan karin, indhaheyga waxa ay u guduudnaayeen sida suugada oo kale. Marxaladdaasi waxaan ku sugnaa ilaa aan ka gaaro 12 jir, intaana Aabahay waa uu iga fekeri jiray, sii uu maalin un u arko indhaheyga oo caafimaad qaba, balse awood dhaqaale, ayaa dadaaladiisa oo dhan xanibay..een..een”.

Markii ay intaasi hadal ii marineysay ayaa mar qura indhaheedu ay ilin kasoo hoobatay, oohin ayayna afka furatay, xaaladdaas anigaba way I saameysay oo waan la ilmeeyay, balse intaan safaleeti jeebka kala baxay ayaan ilintii ka tiray. Waxaa aad ii farxad geliyay in markan aysan gacanteeda iska qaban. Intaa kadib ayaan ku iri “Istar caloosha xir..waa laga gudbaa waxan’e..ee ii wad sheekada”, “waa yahay” inta ay tiri, ayay halkeedii kasii amba qaaday, ayad oo dhaheysa.. “..markii aan 12 sano gaaray, ayaan bilaabay inaan habeenkii wixii ka bilowda salaada maqrib kadib aan araga lumiyo, xaaladdaas ayaan ku sugnaa ilaa aan ka gaaro 15 jirkeygii, markaasi oo ugu dambeyn aan arag oo dhan waayay, xitaaa maalintii, waxaanse ku faraxsanahay markii aan saas noqonayay ay kusoo beegantay dhowr bil un kadib markii aan dhameeyay dugsiga sare, taas aabahay wuu u adkeysan waayay, hadii muddo hal sano ah, aan sidaaa ku joogay ayaa 16 jirkeyga, waxa uu aabe raadiyay dhaqaatiir, laakiin waxaa loo sheegay inuu jiro hal dhaqtar oo sanadkii mar yimaada oo nooca qaliin ee aan u baahanahay kaligiis un taqasus ku heesta, qarash badanna raba, markaa kadib aabahay waxa uu go’aan ku gaaray inuu iibiyo gurigan aan leenahay, sii qarashka qaliinka uu ugu bixiyo, balse nasiib darro, markiii uu go’aankaasi gaaray kadib, ayaa waxaa qabtay xanuun deg deg ah, kaasi oo uu u geeriyooday, ana sidaas baan ilaa iyo hadda oo aan 21 jir ah ku indho la ahay”.

Markii ay sheekada ii dhameysay, ayaan inta labada dhaban sacabadii ka qaaday ku iri “…ha ka baqin, waa ballan inaan howshii uu aabe qabyada ugu tagay aan dhameystiro..ee niyadad kheyr u sheeg”, “waad mahadsan tahay” ayay iyana iguu hadal gaabisay.

Kadib waxaan iska galnay sheekooyin guud oo caadi ah, ilaan aan waqti kale ka ballano, oo aan is macsalaameyno. Habeenkaas aniga oo qalbigeyga murugo ay buux dhaafisay ayaan gurigeyga dib ugu soo laabtay, markii aan aqalka dib ugu soo noqday, ayaan Hooyo, oo markaa deerka ku fiidsaneysay salaamay, waxayna ii sheegtay in qof uu ii yimid, “waayo qofka ii yimid Hooyo” ayaan ku iri.. “Waa gabadhii Hani ahayd ee adeer dhalay, oo aad isla shaqeysaan, alaab ayay kuu dhaaftay oo aan miiska kuu saaray” ayay iyana iigu jawaabtay. Durbadiiba waan gartay inay tahay gabadha uu dhalay agaasimahaa Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ee aan ka shaqeynayay,ahna adeerkey aabahay la dhashay, waa gabar muuqaal wanaagsan, iskana qurxoon, laakiin illaah uu ku ibtileeyay kibir iyo isla weyni baas, ka faaleenteeda ayaan waxba ku dheeraan’e, qolkii ayaan galay, markii aan dharka iyo kabaha iska dhigay, ayaan eegay miiska, si aan u arko alaabta ay gabdha ii dhaaftay, Baqshad, ayaa dul saarneyd, inta aan soo qabtay, ayaan sariirteeda tul tagay waan furay si aan u aqriyo, waxaana ay u qorneyd sidan…..…… La soco qeybta shanaad berri insha Allah

Qeybtii 5-aad

………Inta aan warqadii soo qabtay, ayaan sariirteeda dul tagay, waan furay si aan u aqriyo, waxaana ay u qorneyd sidan:-

Ku: Xamza

Qaaligeygii Xamzow

Waxaan hawada u dhaxeysa guriga heybadlaha ah ee aad ku nooshahay iyo kan aan aniga cidlada ku dareemayo kuu soo marinayaa salaan aan qof bani aadam ah u diro tan ugu qiimaha badan, salaan aan rumeysanahay in ay furo u noqon doonto farxad ay hesho nolosheyda, salaan xambaarsan wanaag idilkiisa, salaan kaaga timid qalbi aan Habeen qura ku fekerin in uu adiga ku xumeeyo, salaan kaaga socota qalbi Jecel mar ay ahaatab in maalin un uu nolosha kugu helo, salaan aan ku rajo weynahay in mugdiga iyo cidlada nolsheyda daashaday ay iftiin iyo wehel ugu bedeli doonto iyo salaan aan is lee yahay waxay isku soo dhoweyn doontaa qalbiyadeena.

Salaan kadib, Qaaligeygii Xamzow, farxad iyo nolol macaan baan kuu rajeeyay, waxaan u maleynayaa inay la yaab kugu noqon doonto Hani oo warqad iyo erayo ceynkan oo kale ah kuu soo qortay, laakiin taas waqti ha isaga lumiin, ileen wax walba waa la fishaa.

Qaaligeygii Xamzow, ka bilow hana qaadkeygii, ilaa maantadan, waxaan dareemayay in nolosheyda ay wax ka dhiman yihiin, inaan wehel u baahnahay, waxaan dareemayay qof kaliya oo qalbigeyga ku weyn, qof kaliya oo aan siiyo qadarinta ugu badan ee aan bixiyo, qof kaliya oo aan markaan arko ka cabsado, indhahana aan u dhameyn Karin, qof kaliya oo dhagaheyga ay jecel yihiin ayna ku raaxeestaan in magaciisa ay maqlaan, qof kaliya oo aan dareemay inuu yahay kay nolosheyda u baahan tahay, qof kaliya oo aan is lee yahay waan kan ku kaafin kara, qofkaasna waa adiga.

Qaaligeygii Xamzow, waxaad tahay farxadii nolosheyda, dawadii nafteyda, maqalkii dhagaheyga iyo aragii indhaheyga, waxaan adkeysataba qalbigeyga ugu dambeyn waxa uu igu yiri (orad dhaqaaq), oo raadi faraxadaada, sidaas ayaan u go’aansaday inaan warqaddan kuu soo diro, Xamza, waan ku jeclahay macaane, waxaana rabaa inaad guushii nolsheyda ii iftiimeyso, oo aad qalbigaaga ii furto, si aan u dhex dego, macaanaheygiiyow, waxaan kaa sugayaa jawaab, aan ku farxo, waan ku kalsoonahay inaad ii dhego nuglaan doonto”..Jaw macaane

FG: Ogow inay nolosheyda kugu xiran tahay, ifka nolosha waa adi

Ka: Qalbi kuu ooma

Hani Xasan

Markii aan aqristay erayadii ku qoranaa warqadda, ayaan jiifkii kasoo fariisty, aniga oo neef tuuraya. Waxa ay runtii noqotay arrin aan la yaabo mar, marna arrin aan ku qoslo, waa tan koowaad’e waxaan la yaabay sida gabadha ay aftahn u tahay iyo erayad macaan oo ay warqadda kusoo qortay, saas bayba qalbiyada u dilaacin kartaaa ismaba lahayn, tan labaadna, waxaan ku qoslay, qofkii kibarki baas qabtay ee markaan arkaba wejiga dhinac dhinac u wareejin jirtay, oo maanta leh ba “adaan ku jeclahay”.

In cabbaar ah baan fekaray, waxyaabo badan baan is weydiiyay, runtii arrin fajaciso ah bay igu noqatay, waxaa igu adkaatay xal u helida waxa aan ka yeeli lahaa gabadha, dhinacyo badan ayaan wax ka fiiriyay, gabadha mar adeerkey baa dhalay, mar waanu isla shaqeynaa, hadana waa gabar kibir badan, anigana dabci ahaan dadka ceynkaa ah kama aan heli, adiga waxba yaan hadal kugu daalin’e fakir iyo wada tashi aniga iyo nafteeda na dhexmaray kadib, ayaa go’aan ku gaaray inaan bal jawaab u diro, waxaan is iri bal markaad is aragtaaan afka kaga sheeg, hadana way ila xumaatay, si kastaba waxay ila noqotay inaan anna waraaq ahaan ugu jawaabo, markaas baan inta banaanka u baxay dukaan ii dhowaa baqshad iyo warqad kasoo qabsaday, kadibna waxaan u holladay inaan bal jawaabtii qoro, waxaana u qoray sidan…..La soco qeybta 6-aad beri insha allah

Qeybtii 6-aad

………Warqadii jawaabta ahayd, ayaan qoray, waxaana u dhigay sidan:-

Dear Hani.

Marka hore, waxaan hawada kuu soo marinayaa salaan walaaltinimo iyo mid asxaab tan ugu qiimaha badan, salaan kadib xaalkeyga waa dhag, kaagana sidaa iyo si ka wanaagsan, ayaan filayaa inuu yahay.

Salaan kadib, waa ay isoo gaartay warqadaada, waana aqriyay, waad ku mahad san tahay runtii xiriirka aad ila soo sameysay iyo sida aad ugu dhiiratay inaad banaanka soo dhigto wixii qalbigaaga ku jiray, waan dareemi karaa in qof jaceyl uu galay aysan arrimihiisu fududeyn, waana ogahay in waxa kaliya ee qalbiga ceynkaasi ah kaafin kara inuu yahay in waxa uu ku haminayo uu helo. Ani ahaan ma jeclaan lahayn in qalbi jaceyl la holcaya aan kusii shubo shidaal, laakiin mararka qaar xaaladaha ayaa kugu qasbaya inaad sameyso wax aadan jecleysan lahaa in adiga xitaa lagugu sameeyo.

Si kastaba waxaan aad uga xumahay in waqtigan la joogo aan rumeyn karin riyooyinka qalbigaaga, igamana ahan xumaan iyo ku niyad dilo ee marxaladda ayaa sidaa tiri, waxaan aad uga xumahay inaan aqbali karin codsigaaga, islamarkaana aanan waxba ka qaban karin dhibka jaceyl ee ku haya, marka wxaaan ku lee yahay dul qaado, maalmaha yar ee xusuusteeda ay qalbigaaga gubeyso, kadibna adaaba iska key ilaawi doona. Hani waxaan si gaar ah kaaga codsanayaa, oo aan jeclaan lahaa in waayitaankeyga aadan noloshaada u ciqaabin, isku day inaad adkeysato, hadaad aniga i seegtay macnaheeda maahan inaad nolosha ku guul darreysatay, marka noloshaada dhib ha u horseedin hana kalifin, taas waa iga codsi, , waxaan kuu rajeynayaa nasiib wacan iyo wiil aniga iga wanaagsan oo riyooyinkaaga kuu rumeeya, waana ku kalsoo nahay inaad heli doonto. bye

From: walaakaa Xamza Xaaji

Markii aan warqadda qore ayaan habeenkaasi sidaa ku seexday, subaxii markii aan shaqada tagay, ayaan is aragnay Hani, iyadaa igaga horeysay xarunta shaqada’e, markii ay dhaayaha iga qaaday, ayay dhankeyga usoo socotay, iyada oo i dhaheysa “subax wanaagsan Qaaligeygii Xamzow”, “wanaagsan oo wacan” inta hadal ugu gaabiyay, ayaan usii raaciyay “gees inoo bixi”, markaasay inta ay gacanta iga qabatay ii jiiday dhinaca xafiiskeeda, markii aan xafiiska galnay, ayaan ku iri “Hani, hadal badan kama gaaro’e, warqaddan hoo, waana kaa sii tagayaa, inta ay dhoola caddeysay, ayada oo aad moodo inay farxad dheeri ah ka muuqato, ayay igu tiri “mahadsanid qaaligeygiiyow”.

Intaa kadib aniga xafiiska ayaan isaga baxay, wixii waqtigaasi ka dambeeyayna, maalinkaasi oo dhan Hani shaqada kumaan arag, waxaan u qaatay inaysan xafiiska kaba soo bixin, oo ay ciil iyo walaahow, halkaa isugu kali yeeshay, anna waqti isagama aan lumin raadinteeda’e, markii aan shaqadeeda dhameystay, ayaan iska soo baxay, waxaan aaday hoygeenii, Hooyo iyo Aabe iyo xubnaha kale ee qoyska oo fadhiyay deerka, ayaan salaamay, kadibna qolkeyga ayaan iska galay, qado cunid kadib waan iska seexday, galabkii markii aan ka kacayna, waxaan iska aaday baashaal iyo inaan asxaabteeda u sheeko tago, maalinkaas waqtiga saas baan ku lumiyay, waxaan oran karaa maalinkaasi waxa ay ahayd maalinkii ugu dambeeyay ee kaftan iyo sheeko ceynkaasi oo kale ah aan la wadaago saaxiibadey.

Habeenkii markii aan guriga kusoo laabtay, oo casho iyo qoys la sheekeysi aan dhameystay kadib waxaa ii bilowmay xaalad nololeed oo cusub, waxaan guda galay feker baas oo qalbigeyga ka dhigay mid aan fadhin, waxaa igu soo laalaabanayay muuqaalka gabadha Istar ah, waxaan is tusinayay wanaageeda, marnaba wax xumaan ah oo ay leedahay iima muuqan, manaba aysan lahayn’e, waxaa aad qalbigeyga ugu sawirnaa meelo jirkeeda ka mid ah oo aan aad ula dhacay, sida bushimaheeda, suniyaha iyo qaabka uu isugu jaan go’an yahay jirkeeda, in badan ayaan isku dayay inaan is ilowsiiyo, balse noqon weyday, waxaad moodaaba inay awood qalbigeyga ku qabsatay, oo aay u diiday ka fekerka arrimo kale, waxaan is weydiiyay, waxa sidan ay nolosheyda ugu milantay, marbaan is iri “tolow ma kii baas ee Jaceylka ahaa baa ku galay”, hadana isla aniga un baa isku jawaabay’e, waxaan is iri “maya Jaceyl maaha, ee waxaa badan wanaaga aad u heyso”, hadana waxaan is tusay in qof kasta oo wanaag intaa la eg loo hayo, noloshana sidaa saameyn ugu yeesha uu macnaheeda yahay in la jecel yahay. Waan ku guul darreystay runtii inaan arrintaasi go’aan ka qaato, waxaana u daayay bal waayaha iyo waqtiga waxa ay xukmiyaaan.

Maalmo ayaa nolosho ceynkaasi ah ku sugnaaa, waxaan xitaa iloobay dhibka iyo nolosha xun oo aan rumysnaa inay wehel u noqon doonto Hanidii aan u deyriyay, waxaana saameyntii ay nolosheyda ku yeelan lahayd Hani ka xoog badiyay tan Istar. hadii aan sidaa ahaa ayaamo oo fekerkii iyo isla hadalkii Istar igu sii batay, ayaa waxaa ugu dambeyntii igu dhashay, waxaan marnaba fileyn inay dhacayaan ama ay qalbigeyga ku dhalan doonaan kuwaasi oo ahaa…….. la soco qeybta toddobaad berri insha allaah.

Qeybtii 7-aad

Haddii aan sidaa ahaa ayaamo oo fekerkii iyo isla hadalkii Istar igu sii batay, ayaa waxaa ugu dambeyntii igu dhashay, wax aan marnaba fileyn inay dhacayaan ama ay qalbigeyga ku dhalan doonaan kuwaasi oo ahaa inaan bilaabay rabitaan aan u qaado gabdhii Istar ahayd. Xaalka maalmihii ugu horeeyay waxa uu igu ahaa mid bilow ah, waxaana isku dayay inaan is xakameeyo, balse taasi waa ay ii noqon weyday, waxaana maalinba maalinta ka dambeysay igu sii kordhayay rabitaankii ilaa aan ka gaaro heer aan is tuso in qof aan ayada ahayn uusan nolosheyda kaafin karin.

Aniga oo xaaladdaasi ku sugan, ayaa waxaa igu yimid kullankii aan ku ballansaneyn aniga iyo Istar, waxaana kullankaasi uu u dhacay si ka duwan midkeenii hore, waayo midkan waxa uu noqday mid aamusnaan iyo xishood ku dhamaaday, waayo Istar markii hore ayayba xishoodka isaga dhalatay’e, anigii ahaa qeybiyaha Sheekada, ayaa howsheydii gabay. Intii lagu guda jiray kullanka, dhowr mar ayay I weydiisay waxa igu dhacay, waxaanse ugu hadal qariyay in waxooga uu madaxa I xanuunnayo. Hadii sheekadii ay habeenkaasi sidaa iyo caajis ku dhamaatay ayaan isaga soo tagay, aniga oo markan dheereestay kullankii xigay oo aan u qabtay 10 cisho kadib, si bal aan ana isu soo dejiyo.

Xaaladeedii ayaa sii cakirantay, waxaana intaasi ii sii dheeraa culees aan kala kulmayay dhinaca Hani. Mar walba oo aan shaqada isku aragno, gees ayay iila bixi jirtay, ayada oo weli iga rajo qabta, balse waan ku gaacan seeray, ilaa ay iskeed isaga quusato. Xitaaa ballan qaadyo dhinaca dallacsiinta ah ayay I siisay ayada oo dhaheysa anaa aabe ka soo dhameynaya, balse warkaas waan iska dhego mariyay.

Maalmo hadii ay xal iyo dabacsanaan wax iiga raadineysay, oo ay ku fashilantay ayay bilowday shaqadeedii kibirnimo, mar walba oo aan isku aragno xarunta shaqada, wejigeeda waxaaan ka dheehan jiray carro xoogan, iyo inayba ku qanacsaneyn xitaa inaan Wasaarada ka sii shaqeeyo. Waxay xitaa bilowday inay igu dhax ceebeysato shaqada, waayo waxay inoo ahayd madaxa shaqaalaha, markii shirarka guud ee shaqaalaha la isugu yimaado ayay qeylo iyo canaan dhegaha iiga shubi jirtay, ayada oo ka faa’iideysaneysa dabacsanaanteyda iyo shaqo gabis igu timid, markii aan rabitaanka u qaaday Istar. Waxba igama aysan dhibin cadaadiska ay I saartay’e howsheydii ayaan kasii watay.

Cadaadiska dhinaca shaqada ee igaga imanayay Hani, iyo hamigeygii ku wajahnaaa Istar, ayaa nolosheyda ka dhigay mid jahwareersan oo feker iyo isla hadal un ku dhisan. Waxaa is beddelay hanaankii nolosheyda iyo dabeecadaheyga oo dhan, waxaana xaaladdaasi ku sugnaa maalmo badan.

Rabitaankii ayaa igu sii xoogeystay, waxaana dareemay inaan Jaceyl u qaaday Istar, waxaanse qabay cabsi xoogan oo ku saabsan sida aan nolosha u wadaagi karno iyo sida waalidkey ay ku ogolaan doonaan in qof ceynkaaasi oo kale ah oo Indhaha la’ aan nolosha la wadaago, aniga waxaasba iima muuqan, oo Jaceyl iyo sida aan wax uga garanayay bani aadannimada ayaa I ilowsiiyay, laakiin waxaan aad u ogaaa in caqabad ay igaga iman doonto dhinaca waalidka siiba dhinaca Aabe, oo ahaa nin aad u ad adag oo badanaaba jecel in sida uu isaga rabo un la yeelo. Si kastaba cabsidaasi iyo cadaadiska aan filyay inuu Aabe I saari doono igama aanay reebin damaceygii Istar galay, waayo waxaan aad ugu rajo weynaa in caafimaadka indhaheeda xal loo heli doono, hadii qarash badan lagu bixiyo taasina aad ayaan ugu kalsoonaa inay dhici doonoto.

Jaceylka ayaa igu sii kordhay, waxaana aan gaaray heer aan meel kasta oo aan joogaba aan sawirto muuqeeda. Habeenkii markaan gama’ is iraahdaba, ayadaa iga soo hurmuuqan jirtay maalinkiina isla hadal ayada ku saabsan ayaan nafteeda ku maaweelin jiray, quruxdeeda iyo xishoodka rabi hibada u siiyay ee dabeecadda lagu sii kordhiyay ayaa ahaa wax mar walba sare u sii qaaday Jaceylka aan qalbiga ugu hayay.

Ayaamo hadaan sidaa ahaa ayaan go’aan ku gaaray inaan u sheego sida aan u Jeclahay uguna hami weynahay, waxaanse dareemay cabsi ku saabsan sida ay taasi ku dhici doonto iyo sida ay igu aamini karto, waayo Istar maba aysan rumeysneyn waa lagu jeclaan karaa oo waxa ayba ahayd qof goor hore kalsooniadii nafsi ahaaneed ay ka lumiyeen Indho beelka ku dhacay.

Calaa kuli xaal, anoo adeegsanaya farxadda yar oo aan tusiyay iyo kalsoonida aan geliyay maalmihii aanu is garaneyn, ayaan cabsidii meel iska dhigay, aniga oo isku diyaariyay in kullanka ugu soo horeeyay ee na dhex mari doona aniga iyo ayada aan ugu sheego in qofka qalbiegyga ku weyn, laabteedana qaboojin kara ay ayada tahay………la soco qeybta 8-aad beri insha allah.

Qeybtii 8-aad

………Waxaan go’aan ku gaaray inaan u sheego in qofka qalbiegyga ku weyn, laabteedana qaboojin kara ay ayada un tahay, sidaas ayaana warka ku afgooyay.

Waqtiga wuu iska ordaa’e, waxaa la gaaray habeenkii ballanta ee aniga iyo Istar, wa habeen aan ugu yeeray “Habeenkii Nolosheyda”, waayo, habeenkaas ayaa ahaa kii go’aamin lahaa ayaaha nolosheyda, yaan waxba hadal kugu daalin’e, diyaar garow kii ugu xooganaa ayaan galay, waxaana abaaray xaafaddii Istar, oo caadiyanba aan ku kulmi jirnay. Marklii aan xaafadda tagay, waxoogaa cidda waan isbaranay’e qolkii ay igula kulmi jirtay ayaa la igu yiri “horey usii gal”, markii aan qolka galay oo aan dhaayo ka qaaday, ayaa tii naxdin ahayd la igu hagoogay, “salaan sare dear Istar”, ayaan ku iri aniga oo salka sii dhiganaya, iyana “mid la mid ah Aboowe macaan’ ayay iigu war celisay.

Salaan kadib waxaa la guda galay sheeko iyo kaftan iska caadi ah. Hadii daqiiqado sidaa lagu sheekeysanayay, ayaan bilaabay inaan kaftanka iyo sheekooyinka caadiga ah kasoo weeciyo aniga, oo dhahaya “Istarey caawa, wax aan kuu sheegi rabo!”, “hee Aboowe, ma wax daran ayaa jira”, ayay lasoo booday, ayada oo aad moodo inay naxdin ka muuqato, markaas baan ku iri “haa dhib ayaa i heesta”, hadii aan intaas afka kasii qaadayay, ayay soo booday oo ay soo istaagtay, ayada oo gacanta ila raadinyesa maadaam aysan wax arag, aniga ayaa markaas inta soo istaagay madaxa gacanta ka saaray oo ku dhahay “fadhiiso anaa kuu sheegayo’e”.

Runtii markaan lahaa dhib ayaa i heesta, waxaan tijaabinayay halkan aan ka joogo iyo sida dhibkeyga uu nolosheyda ku saameyn karo. waxaa halkaasi igaga bidhaamay inay aad iiga wel weli lahayd haduu dhib i gaaro, taasi waa astaan ka mid ah astaamaha muujinaya sida aan qalbigeeda ugu weynahay. runtii waan farxay waxaana ii sii muuqday sida ay ka yeeli doonto arrinka aan u wado.

Markaa kadib ayaan u holladay inaan warka daaha ka rogo, aniga oo oranaya “istarey, ka waran Xamza oo dhib soo gaaray maxaad ku caawin lahayd”, Jawaab ayaan ka filyay’e, ayada oo aad moodo inay naxdin iyo carro isku darsatay ayay igu tiri “waan ku baryayaa Xamza ayaa dhib gaaray mar kale ha igu oran, oo hadalkaasi qalbigeyga ma xamili karo macaanow”, “Ok, mar dambe kuma oranayo, laakiin waad u gar gaari lahayd baan filaa’ ayaan hadana ku iri, “dabcan, taas is warsi ma laha” ayay iyana iigu jawaabtay.

Farxaddii ayaa igu sii korartay waxaana ii muuqatay guusha nolosheyda, markaasaan warka si cad dabookla uga qaaday, waxaana ku iri “Istarey, horta aduun intaad joogto wax walba waa la fishaa, qofkana dhib kasta wuu la kulmaa, laakiin dhib qof soo gaara wxaaa ugu xun mid aan dawo lahayn, oo xitaa hadii aad qarash kasta bixiso aadan xal u heli karin, taasi waa marka noloshaada ay ku xiranto qof kale, si kasta oo aad yeeshana dhaawaca qalbigaaga soo gaaraya ma daweyn kartid ilaa qofkii aad ka heshay uu wehel kula soo noqdo, hadaan si kale u iraahdo waa marka aad qof jeclaato, runtii aniga hadda jaceylkii ayaa i galay, oo waxbaan jeclaaday nolsheydana waxaa farxad u ah qofkii laabtu ay rabootay oo u yimaada, qofkaasi qof kale maaha ee waa adiga Istar ah, Istar waan ku jeclahay abaayo, waxaana ku dawoobi karaa oo kaliya adoo caashaqa ila daa dihiya, qalbigaagana i dhex dhiga’.

Ilin, ayaa durbadiiba kasoo hoobtay, waxaana iyada oo hadalka la qar qareysa ay igu tiri “een eeen ….Xamza, waxaad tahay qofkii ugu horeeyay ee kalsooni iyo farxad i tusa, islamarkaana ii muujiya in dunida guudkeeda ay weli saaran yihiin dad bani aadannimada ay ku dambeyso, mana eegan karo dhibkaaga, laakiin macaanow aniga kuuma qalmo, sidaad aragtana, indhaha ayaan la’ ahay kumana siin karo farxadda aaad ka heli karto gabdhaha dhaayahooda qaba, ee macaanow, waan ku baryayaa noloshaada mugdi ha u horseedin, aniga kaliya ha igu koobnaato nolshan qaraarka badan iyo mugdiga”. hadii ay intaa i tiri, ayaan markeygii hadalka qaatay, waxaan ku iri “haye, ma sheekadii niyad jabka ayaad bilowday, soo kuma oran waxaas iska ilow, si kastaba ogow in hadaan ku waayo xitaaa nolosha mugdiga ah aan seegi doono, oo aan adduunka isaga tagi doono, ee Istar ma gacan qabatay mise?”, “maya aboowe saas ha sameyn” ayay hadana i tiri, ayada oo sii raacineysa “inaad i fahamto isku day, waxaan kaa fogeynayaa nolol dhib badan, waayo waxaad tahay qof igu dheer kuumana rabo rafaad inaad cimragaaga ku dhameysato”.

Runtii in badan ayay isku dayday, inaan iska ilaawo jaceylka aan u hayay, waan dareemi karay inay iyaba i danayn lahayd, balse ay is leedahay wiilka dhib ha u horseedin, kama aanan yelein’e, waxaan hadana ku iri “Nolsha dhibka badan waxay ii bilaaban doontaa marka aad adiga i deyriso, ee i gacan qabo, markaas ayaan labadeenaba farxad deris la noqon karnaa’e”, intaa kadib ayaa ayada oo dhulka hoos u eegeysa misna xishood uu ka muuqdo ay igu tiri………. lasoco qeybta Sagaalaad berri insha allaah.

Qeybtii 9-aad

………Waxaan hadana ku iri “Nolsha dhibka badan waxay ii bilaaban doontaa marka aad adiga i deyriso, ee i gacan qabo, markaas ayaan labadeenaba farxad deris la noqon karnaa’e”, intaa kadib ayaa ayada oo hoos madaxa u raaricineysa, misna xishood uu ka muuqdo ay igu tiri ” waa yahay waxba kama qabo, hadday noloshaada aniga igu xiran tahay, diyaar ayaan kuu ahay, waadna i heleysaa”, intaa hadii ay afka kasii qaadeysay, ayaan ku booday oo labad dhaban ka dhunkaday, “waad mahad san tahay” ayaana ku iri, iyana “adaa mudan” ayay iigu war celisay.

Aniga farxadii ayaa iga badatay, waxaana garan waayay meel aan is geeyo, guushii nolosheyda, ayaa halkaasi ka bilaabatay. Habeenkaasi waxa uu ahaa kii iigu farxadda badnaa 24-ka sano ee aa waqtigaasi dunida saarnaa, anoo aad ugu mahad celinaya misna ka ballan qaadaya inaan faraxad ku nooleysiiyo inta aan awoodo, ayaan kasoo tagay, waxaana wixii marekaa ka dambeeyay aan lasoo dhigtay ballan toddobaadkii laba goor ah.

Waxaa halkaasi igaga bilowday nolol cusub. Habeenkaasi aniga oo faraxsan ayaan gurigeyga isaga soo laabtay. Gurigeena oo dhan waa laga dareemay farxadeeda iyo in wax cusub ay igu soo kordheen. Aabahay oo ahaa nin kaftan badan ayaa igu yiri ” Haye, kaabe, caawa aad baad u faraxsan tahay, ma gabadhii aan sodoga u noqon lahaa, ayaad soo heshay”, intaan qosol yar dhakac ka siiyay ayaan ku iri “hadaan soo helo qofka ugu horeeya ee la barayo waa adiga”. Intaa hadii ay sheeko inoo mareyso, ayaan ka tagay oo aan iska seexday.

Subaxii xigay Jimce ayay ahayd oo shaqo ma aan lahayn’e, waxaan ka toosay tobanka subaxnimo iyo daqiiqado, markaas ayaan banaanka guriga darjiin ku yaala iska fariistay. Cabbaar hadaan fadhiyay, ayaa waxaa ii timi Deeqa, oo ahayd gabadha ka yar Hani, inta ay dhinac isaga key sikisay ayay salka dhigatay, markaasay war igaga bilowda “Hambalyo”, “oo maxaad iguga hambalyeyneysaa” baan ku iri, inta ay qososhay, ayay hadana i tiri “Xamzow, adan waxaan kugu nacay is dabaaliska aan meel jirin”.

Runtii hadaladeeda ayaan ku weeraray, iyo waxa ay hambalyadan baas ula jeedo, markaasaan aniga oo waxooga is xanaajinaya ku iri ” Deeqa, adiga kaftanka inta iga dhaaftid, waxba ma ogi’e ee wax ii sheeg, hadii kale iska key daa”. Intaa kadib ayay warka ay qar qarsaneysay daaha ka rogtay, ayada oo i dhaheysa, “Aabe iyo Hani xalay way sheekeysteen guurkana waa ay isla meel dhigeeen”. Xaqiiqdiii erayadaas aad ayaan uga naxay, durbana waan dareemay in guurka uu yahay mid ani iyo Hani un loola jeedo, balse maan dareensiin Deeqa, waxaana ku iri anoo warka nuxurkiisa ka raaidnaya “Haye maxay is yiraahdeen?”.markaa kadib ayay Deeqa Sheeko ii bilowday, ayada oo oraneysa “xalay, markii aan cashada cunnay kadib ayaa aabe u yeeray Hani, waxa uuna ku dhahay (gabadheydiiyee sida aad la socoto, waad weynaatay’e, waxaana rabaa inaan arko caruurtii ugu horeysay oo aan awoowe u noqdo ee maad guursatid), iyana waxa ay ugu jawaabtay (aabe weli ma aanan helin nin i qanciya), aabe ayaa markaasi ku yiri (oo ka waran hadaan aniga wiil kuu dooqo), iyana waxay dhahday (wiil aan garanayo oo cidda ama qaraabada ah haduu yahay waan aqbalaaa), aabe ayaa markaas hadana hadalka qaatay oo yiri (wiilasha cidda yaaba ka jooga kuli dibedda ayay ku wada maqan yihiin’e, waxaaba ka jooga Xamza oo markuu waxbarashadiisa dlka ingiriiska kusoo dhameestay iska soo laabtay, kadibna Hani ayaa lasoo booday (Aabe Xamza wiil ka wanaagsan maad ii dooqi lahayd), markaas ayaa aabe qosol la dhacay oo uu yiri (waa arin wanaagsan Xamza waa wiil fiican, oo aan noloshaada ku aamini karo. anaana arrinkaas kala hadlayay Xaaji Maxamed, marka aan kasoo laabtay safarka aan ugu socdaalayo dalka Talyaaniga), marka kaabe arrinkaas ayaan kuugu hambalyeynayaa”.

Anigii carro ayaa jirkeyga oo dhan saaqday meel aan joogana waan garan waayay, waxaana is weydiiyay waxa ay Hani ula jeedo cayaartan cusub oo ay ila bilowday, Deeqa ayaan inta ku dhahay “waad mahad san tahay” iska diray, kadibna aniga ayaa feker iskula laabtay, si aan arrinkan aan uga hortago, waayo, waxaan ogaa, in aabahay uusan marnaba sheekadaasi ku gacan seeri doonin, waxaan qalbiga iska iri “Hani gool wanaagsan ayay kaa dhalisay, laakiin waa inaad iska bar bareysaa, oo dabadeedna goolka guusha aad ka dhalisaa’, hadii aan cabaar fikirayay, ayaa waxaa xal iila muuqday in inta uu aabaheyd maqan yahay, aan soo de dejiyo arrinka Istar, waayo waxaan ogaaa in dalka Talyaaniga uu muddo ku maqnaaan doono, sidaasi ayaana go’aan ku gaaray, hadana waxaan is iri “gabdha way indha la’ dahay armuu aabe kaaga gar helaaa”, markaas ayaa waxaa ii soo baxday in marka hore aan u hollado inaan indhaha u fiiqo Istar. aniga oo arrinkaas ka shidaal qadanaya, ayaan si deg deg ah aniga oo qorshaha uusan igu jirin waxaan ugu dhaqaaqay guriga Istar, si aan usoo weydiiyo halka laga helo dhaqtarkii ay hadda ka hor ii sheegtay iyo xilliyada uu yimaado dalka Somalia, markii aan u tagay oo aan arrinka u bandhigay way ku faraxday runtii, waxaana ka dareemay inay u sawiran tay in caafimaadka indhaheeda uu soo dhow yahay, waxa ay ii sheegtay in dhaqtarka uu yimaado bisha December ee sanad kasta, uuna fariisto xarun caafimaad oo ku taala, agagaarka Dal Jirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, markii aan intaas kasoo ogaaday ayaan kasoo tagay.

Si kastaba waqtiga ayaa ahaa mid cariiri igu ah, markaasi waxay ahayd bisha november 1-deeda, December, waxaa naga xigay bil, waqtiga uu Hani aabaheed soo laabanayayna waxa ay ahayd bisha February, waan fekeray, waxaana ii soo baxday qorshe cusub oo aan is lahaa aabe waad kaga bad baadi kartaaa, kaasi oo ahaaa………… lasoco qeybta tobanaad berri insha allaah.

Qeybtii 10-aad.

………Waan fekeray, waxaana ii soo baxay qorshe cusub oo aan is lahaa aabe waad kaga bad baadi kartaaa, kaasi oo ahaaa, inaan aabe ku wergeliyo xiriirka aan la wadaagayo Istar iyo nolosha cusub ee ii bilaabtay, haddana waxaan is iri armuu aabe ku weydiiyaa arrimo ay ka mid yihiin gabadha na bar oo guriga keen iyo waxyaabo kale. Qorshihii ayaa haddana ila xumaaday, fekerkiina wuu igu sii batay, adiga, ugu dambeyn, waxaan go’aan ku gaaray inaan de dejiyo qorshaha aan indhaha ugu fiiqayo Istar, dabadeedna aan aqal gal deg deg ah habeeyo, sidaa ayaana nafteeda ku qarsaday.

Ciilkii aan ka qaaday qorshaha guracan ee Hani, weli sidiisa ayuu ii hayay, maalinkii xigay ee sabtiga ahaa, ayaan shaqada kula kulmay, markaasaa anoo carro ay i hareeysay inta wejiga wejiga u saaray ku iri “Waa maxay qorshahan guracan ee aad ila damac san tahay”, waxba igama aysan waalin’e qosol ayayba igaga baxday, waxaana ayada oo faraxad ay ka muuqato ay igu tiri ” wax kale maahan, sideedaba markaad qof jeceshahay, waa inaad sameysaa, wax walba oo aad qofkaasi ku heli karto, marka ha la yaabin waa un dadaal aan adiga kugu raadinayo, miyaad ka xun tahay?’, “oo ma kula tahay naf aan raali kaa ahayn inaad sidaa ku heli karto?”, ayaan haddana weydiiyay, balse waxay hadal iigu koobtay ” Waan arki doonaa bal waxa ka yimaada dadaalkeyga”.

Intaa kadib ayaan inta hadaladeeda jees jeeska u adkeysan waayay isaga tagay. la hadalkeeda wax aan carro hor leh ahayn kama aan dhaxlin, waxaanse isku qnaciyay in mar ay ahaataba aan ka adkaan doono qorshaheeda qaabta darran.

Waqtigii ayaa is guray Jeceylkii na dhex yiilay aniga iyo Istarna waxa uu gaaray meel sare, kullamadeena ayaa batay, qalbigeeda ayay xaqiiqdii si aan hagar lahayn iigu furtay, waxa ay i tustay nolol macaan oo aan arag inta aan dunida ku noolaa, la sheekeysigeeda iyo la kullankeeda ayaaba ii ahaa farxad, oo wax aan siisan karo maanan arag, iyana si dhab ah ayay ii jeclaatay, oo toban jibaar ka badan inta aan aniga jeclaa, way i aamintay anna waan aaminay, way igu kalsoonaatay anna waan ku kalsoonaaday, taasna waxay xiriirkeena ka dhigtay mid aan la loodin karin. iyadu waxayba gaartay heer ay i tiraahdo “hadaan adiga ku waayo nolol iima jirto”, waayo jaceylka ka sokow, reerkeeda ayaan xitaa xag dhaqaale ka taageeri jiray, taasna waxay keentay in qoyska oo dhan ay ii xitiraamaan sida amiir oo kale, anna waxaan mar walba ka ballan qaadayay in inta la iga dhigayo iilka aan garabkeeda taagnaano doono, nolosheena iyo xiriirkeena sidaasi ayay isugu xirmeen.

Haddii nolosheena ay muddo sidaa ku dhisneyd, ayaa waxaa la gaaray waqtigii aan aniga sida aadka ah u sugayay ee bisha December, oo ahayd xiliggii Istar ay ii sheegtay inuu yimaado dhaqtarka kaliya ee awooda u leh inuu fiiqo indhaheeda, maalin ay tahay khamiis, oo bishuna ay ahayd 3, ayaa waxaan qabtay goobtii la iigu sheegay inuu fariisto ee agagaarka Daljirka Daahsoo.

Markaan goobta tagay, ayaa waxaan weydiiyay dad meesha ka og dhowaa, iyana iguma aysan daahin’e durbaba way ii tilmaameen. xaruntii ayaan tagay, waxooga dad ayaa iga horeeyay’e waqtigeyga ayaan sugay, waxaana ugu dambeyn u galay dhaqtarkii.

Markaan gudaha u galay, ayaanba la yaaba sida uu dhaqtarka u dhallin yar yahay, iyo aqoonta uu leeyahay, kadib ayaan salaamay isna wuu iga qaaday “fariiso” ayuuna igu yiri, markaan salka dhigtay, ayaa waxa uu ii yiri “haye maxaa dhib ah oo ku heysta”, kadib ayaan bilaabay inaan bilow iyo dhamaad uga sheekeeyo sida ay Istar ku indho beeshay iyo in dhaqtarka kaliya ee daweyn kara uu isaga yahay, sida ay iyada ii sheegtay, durbaba wuu gartay wuxuuna igu yiri “waan fahmay cudurka gabadha indhaha ka galay, intiisa badanna xal looma helo, laakiin bal gabadha ii keen, si aan u eego, ogowna hadii ay noqoto in indhaheeda wax laga qaban karo, in lagaaga baahan yahay, $1000, si loogu hagaajiyo indhaheeda haddana waad sii bixi kartaaa”.

Farxadii abid nolosheeda ugu weyneyd, ayaa i saaqday, waxaanaba aan ku sigtay inaan sare jooga ka dhaco, aniga oo meel aan is dhigo la’ ayaan kasoo baxay goobtii caafimaad ee Dhaqtarka, kadibna anoo faraxsan ayaan gaarigeygii yaraa kusoo dhacay, balse in cababar ah haddaan farxad iskula hadlayay, ayaa waxaan xasuustay inay jiri doonto caqabad dhinaca qarashka ah, waayo lacagta xilligaasi uu dhaqtarka ii sheegay gacanta iiguma jirin, hase yeeshee, waxaan is tusay inaan aabe ka qaato ama aan iraahdo i deymi, inkasta oo aanan ogeyn waxa uu ka oran doono…………….... lasoco qeybta 11-aad berri insha allaah.

Qeybtii 11-aad

Waxaan is tusay inaan aabe ka qaato ama aan iraahdo i deymi, inkasta oo aanan ogeyn waxa uu ka oran doono. go’aan ka qaadashada arrintaasi aad ayay iigu adkaatay, maalmo ayaan waday fekerka ceynkaasi ah, intaana kuma aan guuleysan inaan ku dhaqaaqo in aabe aan weydiiyo lacagta.

Wax uu xaalka sidaa ahaadaba, Habeen Talaado ah, ayaa aniga oo sariirteeda isaga dul fekeraya mar qura qaatay go’aan deg deg ah oo ahaa inaan arrinka aabe u sheego, markaasaan usoo baxay deerka hore ee aqalka oo aabe uu isaga leersanayay, hadaan dibedda soo istaagayba, waxa ay indhaheygu qabteen adeerkey Xasan (Hani aabaheed), waxaan naxay naxdin tii ugu sareysay, markaasaan qalbiga iska iri “oo goorma ayuu Italy kasoo laabtay”, intaan waxoogaa farxad iska muujiyay ayaan ku dhahay “Oow!, adeer goormaad soo laabatay, waadba soo dhaqsatay, soo adigan waqtigii aad iman lahayd kasoo hor maray?’, “haa wiilkeyga howshii aan u baxay ayaa lix bilood dib loo dhigay, marka galabta un baaba imid” ayuu isna iigu war celiyay.

Sheeko iyo isla qosol dheer ka dib, ayuu adeer iska baxay, anigii iyo aabe ayaana isku soo harnay, aniga ma dareensaneyn waxa ay ka wada hadleeen, waxaana is iri “koleyba arrinta guurka kalama hadlin oo hadda ayuuba yimid, salaan un buu lasoo baxay”, aniga oo isla hadalkaasi ku maqan ayaa aaabe iugu yiri “haye wiilkeyga maxaad la fekereysaa”, intaan fekerkii kasoo laabtay baan ku iri “haa aabe adigaa arrin kuugu socday”, isna igama uusan waalin’e, waxa uu iigu jawaabay, ” ii sheeg wiilkeyga waxaan adiga kuu qaban waayay cid aan u qabanayo ma jirtee?”, kadib ayaan waxaan bilaabay inaan aabe u sheego dhibka i heysta, Jaceylka aan u qabo Istar, iyo sida aan u rabo inana caafimaad ugu helo.

Markaan intaas iri, aabahay, waxa uu galay feker dheer, kadibna waxa uu iigu jawaabay “wiilkeyga Xamza, qorshahaaga waa mid iska yara wanaagsan, waxna wada jeclaan kartaa, laakiin aan su’aalo ku weydiiyo ee i dhageyso”, “waa yahay aabe” baan ku iri, kadiba waxa na dhex maraya su’aalahan iyo jawaabahan:-

Aabe: gabadha yay tahay?

Aniga: Waa gabar Soomalaiyeed?

Aabe: Soomaali inay tahay waan dareemayaa’e ee cid ahaan yay tahay?

Aniga: taas inaan weydiiyo waqti isagamaba lumin, gabadha waan jeclahay, hamigeegana waa inaan helaa.

Aabe: oo sidee qof aan la garaneyn ay reerkeena ugu soo biireysaa?

Aniga: Aabe, mid aan isla fahano, aniga qofka aan jeclahay, ujeedkeyguna uu yahay inaan guursado, waa Istar, ee ma ahan reerka ay ka dhalatay, ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, waxba igama gelin, ee Istar waaye qofka aan rabo, waana kaa hubaa waa qof wanaagsan.

Aabe: Waan ku gartay, ka waran qoyska ay kasoo jeedo, ma yihiin kuwa ladan oo u dhigma sumcaddeena.

Aniga: qoys dhaqaale heesta maaha, laakiin qalbiga ayay ka ladan yihiin, oo wax dhib ah ma heesto.

Aabe: sidee ayay kula tahay marka in qofaaksi uu noogu soo biiri karo?

Aniga: aabe gabadha anigaa guursanaya anigaana jecel, qoyskeena iyo sumcadiisana wax ka galay ma laha?

Aabe: Xamza i dhegeyso, gabar aan la garaneyn, islamarkaan aan noo qalmin, ayaan intaas qarash ugu indho fiiqayaa, waana guur sanayaan wax aan kaa yeelayo ma lahan?

Aniga: ok aabe, anaa qarashekyga meel kale ka raad sanayo.

Aabe: qarashkaaga ma garanayo’e ee gabadhaas marnaba nama soo gasho, ma maantaad noo keentay wax indhaha la’ oo aan la garaeyn baan soo guursanaa?

Aniga: aabe waa ku baryaaa gabahdhaas horteeda wax ha uga sheegin.

Aabe: hadal iyo dhaamaantii, saad arkeysayba, waxaa hadda iga tagay adeerkaa, wuxuuna iila yimid qorshe adiga iyo ina adeertaa Hani la isku kiin darayo, waana isla meel dhignay ee arooskaas isku diyaari warka badan dhaaf’e.

Intaa kadib aabe fadhiga ayuu igaga kacay isaga oo aan wax jawaab ah iga sugin, qorshihii aan aabe ula tagay, isagaaba mid kale dul saaray, oo keygii ku baa bi’iyay, waxa ay igu noqtay arrin aan aqbali karin, waxaana bilaabay inaa ka fekero, wax aan ka yeelii doono hadalka aabe, koley inaan ku gacan seeraayo is warsi ma lahayn’e, ee waxaan eegayay waxa iman doona Mustaqbalka…………………. lasoco qeybta 12-aad insha allaah.

Qeybtii 12-aad

Go’aankii kaligii talisnimada ku dhisnaa ee aabahay uu qaatay, waxa uu aad u dhaawacay qalbigeyga, waxa uu na mugdi geliyay hamigii aan tiigsanayay ee ahaa inaan mar un arko Istar oo oorideeda noqota. Si kastaba go’aanka aabe igama uusan reebin inaan wadadeeda kusii taagnaado.

Subaxii xigay, ayaan aaday Istar, waxaana u sheegay kullankii aan wada qaadanay aniga iyo dhaqtarka. aad ayay runtii u faraxday, kadibna waxaan u kaxeeyay xaruntii dhaqtarka, markii aan geeyay oo uu arkay, nasiib wanaagsan waxa uu ii sheegay in xaaladda indhaheeda wax laga qaban karo, islamarkaana aan heesto muddo 20 maalmood ah inaan lacagta kusoo diyaariyo si howsha loo guda galo, oo uu mudadaas wixii ka dambeeya dib ugu laaban doono dalka uu sanad kasta ka yimaado ee Germany.

Intaa kadib inta Istar aqalkooda isaga soo celiyay, ayaan anna gurigeena imid, waxaana kadib bilaabay inaan ka fekero waxa aan sameyn doono iyo halka aan u baadi goobi doono lacagta $1000 ee loo baahan yahay. Feker dheer kadib waxaa ii soo baxay oo xal iila muuqday inaan iibiyo mid ka mid ah laba guri oo aan horey uga iibsaday magaalada Muqdisho, si aan lacagta halkaasi kasoo baxda dhaqtarka u siiyo.

Arrintii ayaan kadib ku dhaqaaqay aniga oo aan cidna ogeysiin, waana ku guuleystay inaan lacagtii helo oo aan iibiyo guriga muddo toddobaad gudihiis ah.

Subax ay ahay Isniin, ayaa aniga oo isku diyaarinaya inaan kaxeeyo Istar oo aan dhaqtarka aado, ayaa aabe ii yeeray, Waxaana uu igu yiri “haye waxaan rabnaa inaan toddobaad kadib ka dhigno guurka adiga iyo Hani”, aniga oo carro ay iga muuqato ayaansae aabahaya ugu jawaabay “aabe horeyna waan kuugu sheegay haddana waan kuugu celinyaa, marnaba guurkaas diyaar uma ahi”, intaa kadib aabahay aad ayuu u carooday, waxaana uu ku siktay inuu ii gacan qaado, cabbaar ayuu iga aamusnaa, waxaana uu kadib igu yiri “laba mid aday dan kuu tahay, inaad guurkaas ogolaato iyo in aniga iyo adiga aan is deyno”, xaqiiqdii jawaabta s’aashaasi aad ayay iigu adkaata,w axaana aabahy ku iri ” aabe aniga iyo adiga waxaan nahay dad is dhalay iyo wiil iyo aabihii, arrintaas darteedna kuma kala go’i karno, si kastaba diyaar uma ihi guurkaasi”.

In cabaar ah hadii uu aabahay aamusnaa ayuu igu yiri “marka horeba waan ogaa inaad sidan oran doonto, hadaad dhiigeyga ahaan lahayd oo aan ku dhali lahaa sidan maad sameyseen”, xaqiiqdii erayadaasi waxay noqdeen falaar wadnaheyga ku dhacay, waxaana la yaabay waxa uu aabe ula jeeday “hadaad dhiigeyga ahaan lahayd”, waxaan is wdyiiyay su’aalo ay ka mid ahaayeen ” oo aabe kuma dhalin miyaa?, mise sidan oo dhan carro ayaa ka keentay”, hadana waxaan is iri “carro haday jirto xitaaa hadaad wiilkeyga ahaan lahayd ma ayadaa gaareysaa?”. Xaqiiqdii waxaan halkaasi ka qaaday tuhun ku saabsan inaan ahay wiil uu dhalay.

Aniga ii ilinta ay iga qubaneyso ayaan aabe ka tagay, waxaana si deg deg ah u galay qol ay hooyadey hurdeysay, intaan ka kiciyay, ayaan waxaan war uga bilaabay “Hooyo, aniga, aabe ima dhalin miyaa?, ma aabe kale ayaan lee yahay, mise labadiinaba ima dhalin”, hooyadey jawaabtii aan ka sugayay waxa ay noqotay ilin mar qura kasoo hoobatay, ku dhowaad 30 daqiiqo oo aan war ka sugayayna waxaan xitaa ka waayay inay haa ama maya i dhahdo, anoo sidaas u niyad jabsan ayaana isaga tagay.

Xaalad niyad xumo, ayaa halkaasi igaga bilaabaty, cabaar ayaan oohin la fariistay deerka gurigeena, waxaanse go’aan ku gaaray in waxay doontaba ha igu qaadatee aan helo xaqiiqda rasmiga ah ee dhalashadeyda.

Si kastaba qalbi xumadii aan subaxaasi qaaday igama reebin wax u qabashada Istar iyo inaan caafimaad u helo indhaheeda, waxaana anoo arrinkaasi ka talaab qaadaya aan horey usoo qaatay lacagtii indhaha loogu fiiqi lahaa, kadibna intaan gurigooda tagay, ayaan soo kaxeeyay oo aan geeyay xaruntii dhaqtarka, markaan u geeyay kadib ayuu yiri adiga banaanka iska tag howl galka ayaan bilaabeynaa, “waa yahay” intaan dhahay ayaan iska soo baxay, cabaar hadaan fadhiyay, ayaa waxaa soo baxday Istar oo ilemeyneysa, kadibna waxaan ku iri “oo maxaa kugu dhacay”, “aniga ma doonayo in indhaha la ii fiiqo” ayayna iigu jawaabtay, “oo maxaa dhacay ayaan hadana ku iri “………..La soco qeybta 13-aad berri insha allaah.

Qeybtii 13-aad

Cabaar hadaan fadhiyay, ayaa waxaa soo baxday Istar oo ilemeyneysa, kadibna waxaan ku iri “oo maxaa kugu dhacay”, “aniga ma doonayo in indhaha la ii fiiqo” ayayna iigu jawaabtay, “oo maxaa dhacay”, baan haddana ku iri, balse way diiday inay wax ii sheegto, waxayna si kooban ii tiri “marka hore guriga aan tagno, markaas ayaan wax walba kuu sheegayaa’e”.

Dhowr goor ayaan isku dayay inay ii sheegto waxa ay ku diiday howshii aan intaas dhib ah kasoo maray, hase yeeshee waxba waan ka ogaan waayay. hadaan iyada ku daalay, ayaan u galay dhaqtarka, si isaga uu iigu sheego waxa dhacay, isna waxa uu war iigu gaabiyay “ayada wareyso”.

Muran iyo dood dheer oo aniga iyo Istar nagu dhex martay xaruntii caafimaadka kadib, ayaan isaga soo tagnay xaruntii dhaqtarka, markaan guriga nimid, ayaan wa xooga dejiyay, waxaana si degan u iri “bal waxa jira ii sheeg’, intaa kadib ayay wax aan la yaabay ay ii sheegtay taasi oo ahayad, ayada oo igu tiri “dhaqtarka waxa uu i dhahay wax lacag ah kaamka doonayo, indhahana waan kuu fiiqayaaa weliba si deg deg ah, balse hal shuruud ayaa meesha taala, oo ah inaan ku guursanayo markaan caafimaad u helo indhahaaga kadib, marka Xamzow, ihi..ihi…indho fiiqis aan adiga kugu weynayo maxay ii tareysaa”.

Waxa ay xaqiiqdii noqotay sheeko aan si aad ah uga naxay, iyo arrin fajaciso igu noqotay, “waa yahay Istar, waad mahadsan tahay, anna waan sii baxayaa, macsalaama, hadduu ilaah yiraahdo habeen dambe ayaan kuu imanaa” inta ku iri, ayaan isaga soo tagay.

Qorshaha cusub ee dhaqtarka baas uula yimid, waxa ay igu sii kordhiyeen culeeskii saarnaaa nolosheeda, anoo xitaa aan garaneyn sida uu dareenkeygu ahaa, ayaan gurigeena isaga oo laabtay, hadaan guriga imid, ayaan bilaabay inaan dhameeyo sheekadii qabyada ii ahayd ee ku saabsaneyd aniga dhalashadeeda, waxaan arkay walaakey Anas, oo meel oohin la fadhiyo, isaga ayaan xog wareysigii ka bilaabay oon ku iri “Aboowe, maxaad la oyneysaa”, intuu hab i siiyay oo uu isku key duubay ayuu i dhahay “aniga aabe waa nacay, labadeena ayuu na kala fogeynayaa’, markaasaan ku iri ‘aamus walaal, cid aniga iyo adiga na kala fogeyn karta ma jirto, ee maxaad ogtahay ii sheeg”.

Anas ayaa markaa bilaabay inuu waxa uu og yahay igaga sheekeeyo isaga oo ku bilaabaya “aboowe macaan, markaad baxday, kadib ayaa ayeeyo aabe dhashay ee Caasho, waxay ayeeyo hooyo dhashay ee Xaliimo ku tiri (wiilkeyga arrin xun ayuu sameeyay, ma ahayn inuu arrintan shaaca ka qaado), markaasay ayay Xaliimo dhahday oo maxaa dhacay bal wax ii sheeg), kadibna ayay caasho ayaa dhahday (wiilkan Xamza ah, Xaaji Maxamed iyo Maryan, ma dhalin, iyaga oo in ka badan 10 sano is qaba oo aan wax isku dhalin ayay wiilkan heleen isaga oo 3 maalmood dhalan oo wadada lasoo dhigay magaalada Hargeysa, kadibna si aan arrintan loo ogaan ayay Muqdisho, usoo degeen nasiib wanaag markii wiilkan ay heleenba waxaa calool galay oo isku xigsaday afar wiil oo iyaga ay dhaleen saddex hadda maqan iyo Anas marka Xaajiga inuu arrintan shaaca ka qaado ma ahayn), ayeeyo Xaliimana waxay dhahday (wax xun buu sameeyay) marka aboowe, adiga waxaas waxba ha u arkin.

Sheekadii Anas, xaqiiqdii jahwareer ayay igu riday, anoo iska fekeraya oo meel iska fadhiya ayaa aabe ii yimid, oo igu yiri “weli ma madax adeegii ayaad meel la fadhidaa”, markaasaan dhahay “wax walba oo dhaca Hani ma guursanayo”, isagiina hadal kale ima weydiin’e, waxa uu war igaga bilaabay “igaga baxay guriga”.

Intaan kadib intaan boorso dhar kasooo buuxsaday, ayaan horey usoo qaatay lacag aan heestay oo igaga hartay gurigii aan iska iibiyay iyo tii aan ugu tala galay Istar iyo baasaboorkeygii ingiriiska, waxaana kadib go’aan ku gaaray inaan dalka isaga tago oo aan UK ku laabto, islamarkaana aan nolol cusub halkaasi ka raadiyo, waxaan kale oo go’aan ku gaaray inaan Istar ku iraahdo Iska key illow!, maadaama caafimaadkeeda uu wax walba ka weyn yahay haduu dhaqtarka sidaa taagan yahayna ay isaga iska guursato, waa laga yaabaa in dad badan ay ku fekeri lahaayeen inaan qaldanahay, balse wax walba waxaan u sameeyay jaceylka aan ayada u qabay, iyo inaan doonayay inay indhaheeda u wanaagsanaadaan, aniga oo sidaasi go’aan ku qaba, ayaan usoo dhaqaaqay xaafadda Istar, si aan waxa dhacay oo dhan uga sheekeeyo……….la soco qeybta 14-aad.

Qeybtii 14-aad

Aniga oo qorshahaasi ku taagan ayaan u dhaqaaqay xaafaddii ay ku nooleyd farxaddii nolosheeda ee Istar, hadaan waxooga socday, ayaa waxaa ila xumaaday qorshaha aan watay, waxaana ii sawirmay in Istar aysan siday dootaba ha ahaatee marnaba aqbali doonin inaan isa seegno, aniguba sidaa ma jecleyn, ee mararka qaar danta ayaa waxaadan rabin kugu qasbeysa inaad sameyso, si kastaba waxaan is tusay in hindisaheega hadaan Istar ula tago uu un fashil ku idlaan doono, markaasaan fekeray, waxaana ii soo baxay qorshe kale oo ahaa inaan Istar waxba u sheegin oo aan inta dhaqtarka u geeyo isaga tago, warqadna u dhaafo si ay dib dambe uga ogaato waxa i qabsaday, sidaasaan is tusay.

Aniga oo arrintaasi ka goos qaadanaya, ayaan ku leexday dukaan markaas ii dhowaa Warqad iyo qalin inta ka iibsaday, ayaan isaga soo baxay kadibna waxaan dib ugu soo dhacay gaarigeyga, intaan meel waxoogaa hoos lahayd ku baakimay, ayaan warqadii qoraal ugu fariistay waxaana u dhigay sidan.

Dear Istar.

Qaalideydii waayahay ay na kala geeyeenee waxaan hawada u dhaxeysa Britain iyo Somalia ku soo marinayaa salaan kalgaceyl tan ugu qiimaha iyo qaayaha badan, oo ay isu diraan dad isku haminayay oo isa seegay.

Intaa kadib Waxaan aad ugu faraxsanahay in aragaaga uu dib usoo laabtay, sida aan filayo oo aad warqaddan aqrineyso, waana wax aan weligey ku haminayay oo aan markan is lee yahay way rumoobeeen.

Marwada Sharafta lahaay, waxaan warqadan qoray maalinkii aniga iyo adiga na isugu kaaya dambeysay, ee aan isla kulano, maalinkii Jaceylkeena uu soo geba geboobay, maalinkii aan go’aan ku gaaray inaan kaa fogaado, aniga oo farxadaada eegaya iyo inaad hesho wax qalbigaaga tabayo ee ah in aragaaga aad dib u hesho.

Qaalideydii Istarey, wax ha ila yaabin hana is oran Xamza muxuu sidan u sameeyay, wax walba waxaan u sameeyay dartaa, waayo jaceylkeyga waxa u baas bixi lahaa inaad aragaaga dib u hesho, aniga oo taasi ka hortagaya ayaana jecleestay inaan kaa fogaado oo aan kugu iraahdo Iska Key Illow, weligey is ma oran adiga iyo Istar ayaa kala fogaanaya, laakiin wax walba way dhacaan adduunka, sidaad la socotidba ninka dhaqtarka ah ee ah qofka kaliya ee indhahaaga dawo u heli karaa ayaa shardi ka dhigay inuu adiga ku helo, hadaan ku madax adeego inaan jaceylkeyga ka rumeeyana marnaba maadan aqrisateen warqaddan, mana aadan socoteen adoon qof ku garab heyn, waxaan aamnisanahay in Dhaqtar Haashim, uu yahay nin wanaagsan, aqoon leh, hanti heesta, da’ yar kuuna qalmi, waxaana is tusay inuu yahay qof noloshaada kaafin kara, sidaa ayaana u go’aan saday inaan isaga kugu wareejiyo anoo farxadaada eegaya.

Xabiibteydii Istarey, waxaan kale oon kuu sheegayaa in aniga aan kuu qalmin, waayo, maanta ma ihi Xamzihii ku garab qabtay ee ina Xaaji Maxamedkii sumcadda lahaa ah, maanta waxaan ahay qof aan aabe lahayn, mana jecli in, in badan qalbigaaga dadka ay dhaawac ku gaarsiiyaan waxay guursatay qof aan aabe lahayn, waayo waxaa jirta in aniga Xaaji Maxamed uusan i dhalin oo uu isoo korsaday un, waana taas arrin kale oo qasab ka dhigtay inaan ku iraahdo Iska key illow!, waayo ma jecli inaan aad dhasho ilmo aan la garan oo haddana ciil ku kora.

Ugu dambeyn waxaan ku dhihi lahaa aniga iga samir iskuna day inaad abuurato nolo cusub oo macaan badan, dhaqtarkan ayaa noloshaada u dhiibay ee isaga farxad sii, isna ha ku siiyo, waan ku baryayaaa noloshaada ha ku lumin inaad i baadi goobto aniga waan ka tagay dalkan markaan nolosha ku fashilmay, adna ha fashilin noloshaada macaaney, waan ogahay inaad i jeecashahay oo aadan i halmaami karin balse isku qasab, qalbiga wixii lagu cel celiyo wuu aqbalaaa…kheyr ayaan kuu dhaafay…ifka hibo ku noolow aakhirana halkii roon..bye

Gacaliyahaagii hore ee Xamza.

Intaan warqadii qoray, ayaan u dhaqaaqay dhanka aqalkooda, warqadda ayaan waxaan u dhiibay wiil yar oo la dhashay, aniga oo ku iri “dhaqtar ayaan geynayaa gabadha, marka indhaha loo soo hagaajiyo sii, hadana ha u sheegin oo meel wanaagsan u dhig”, isna “waa yahay ayuu i dhahay’, kadib ayaadii baan inta been u sheegay oo ku iri dhaqtarka waan lasoo hadlay wax walbana waa ok ee ina mari ayaan dhankiisii usoo kaxeeyay oo aan u geeyay, kadibna dhaqtarka ayaan ku iri “gabadha arooskaaga way ogolaatay ee indhaha u fiiq”, isna ‘ waa yahay” buu i yiri, kadibna howshii ayaa la guda galay, intaan gurigooda kusoo laabtay, ayaan hooyadeed iyo wiilkii yaraa soo kaxeeyay oo geeyay goobtii dhaqtarka, aniga oo maamada si gaar ah ugu sheegay jueedka indhaha loogu fiiqayo iyo shuruuda dhaqtarka, iyana waxbay ila fahamtay, dabadeedna anigii waan isaga tagay……………….. La soco qeybta 15-aad berri insha allaah

Qeybtii 15-aad

Dabadeed anigii waan isaga tagay, waxaana aaday Hotelka- Curuba ee magaalada Muqdisho, si aan halkaasi ugu sii noolaado intii aan ka diyaarinayo safarkeyga UK aan ku aadayay.

haddaan hotelka maalmo deganaa, ayaa la gaaray waqtigii bixitaankeyga, kadiba dalka Ingiriiska ayaan dib ugu laabtay, halkaasi oo aan nolol cusub ka bilaabay, waxaan dareemay inaan hadafkii ugu weynaa ee nolosheeda oo ahaa guurka Istar aan ku fashilmaty, waxaana kadib iska galay wax barasho aniga bilaabay Machadka London School of Economics.

Dhowr sano, ayaa ku sugnaa nolol ceynkaasi ah oo wax barasho un ku kooban. mudadaasi waxaan ku gacan seeray codsiyo badan oo ii yimid, kuwaasi oo ku saabsanaa gabdho doonayay inay nolol ila abuuraan, si kasta oo ay isugu dayeenna way ku daaleen inay qorshahaasi iga dhaadhicyaan.

Muddo saddex sano ah hadaan xaalkaa ku sugnaaa, ayaa maalin dambe waxaa isoo wacay, wiilkii saaxiibkey ahaa ee Asad, oo subaxii aan isaga u socday markuu USA u dhoofayay, si aan u u dhoweeyo aanu is baranay qaalideydii Istar, markuu igala soo hadlay gobolka Virginia, USA, waxa ay ila noqotay arrin aad cajiib iila ah, waana siisan waayay, waayo markaan Somalia kasoo tagayay ayaa xiriir na isugu kaaya dambeysay, anna waanba iska ilaaway oo noloshii hore oo idil baanba ka haajiray, markuu telefoon gacmeedkeyga igala soo hadlay, oo uu isku key sheegay, waan iska ilmeeyay, waayo, waxa uu ahaa saaxiibka ugu wanaagsan ee aan dunida ku lee yahay haddana aan xiriirkiisa gooyay, “Asadow, sidee ayaad telefoonkeyga ku heshay” baan ku iri, markaasuu inta qoslay igu yiri “soo adiga gabdhihii dhan nacay, gabar ku rabtay oo aad diiday baan telefoonkaaga kasoo helay”, “wax dhici kara maahee, iga dhaaf cayaarta, ee wax ii sheeg”, ayaan haddana iri, kadibna waxa ii igu yiri “Gabr Deeqa la yiraah, oo aad macahdka wada dhigataan baa maalin igu tiri jaceyl baa i haya, oo wiilkaan jeclaa ee Xamza Xaaji ahaana i diid, markaan wareysi dheer la yeeshay kadibna waxaan ogaaday in qofka ay ka hadleyso uu Xamzaheygii yahay, saasaan teelfoonkaaga uga qaatay, waa gabar aan qaraabo kore nahay oo aan mar mar is wacno”. Intaa kadib aniga iyo saaxiibkey Asad, waxaa na dhex martay sheeko isku hilow oo aad u dheer, waxa uuna kadib ii sheegay inuu doonayo in dalka Somalia uu ku laabto si uu halkaasi ugu aqal galo, waxaan su’aalay gabadha uu doonayo inuu guursado, balse waa uu iga diiday inuu ii sheego, waxaana uu igu yiri “markaan soo baxayo toddobaad kadib, ayaan London soo marayaa, markaasaan si wanaagsan u wada hadleynaa”, anigana “waayahay” baan ku iri. Toddobaad kadib Asadkii ayaa iigu yimid London, isag oo kusii jeeda magaalada Muqdisho, sii uu halkaasi ugu aqal galo, markaan isku nimid kadib, ayaa waxaa na dhex martay sheeko aad u dheer oo ku saabsaneyd gabadha uu guursanayo iyo bal sida uu xaalkiisu yahay, anaa sheekada bilaabay, oo ku iri “war lacag baad sameysay, maasha la yiri aroosaa maskiin maaha, ee waa tuma gabadha aad guursaneyso, bal ii sheeg”, markaasi baa isaga oo aad moodo in farxadda ay ka tan badisy buu igu yiri “war gabadha aniga horta wax jaceyl ah, ah nama dhex marin, laakiin Xamzow, haddaad aragto, walaahi isla daqiiqaddan baad go’aan ku gaari in laguu guri geeyo, qurux ay qabto darteed,”, hadaan warka ka dhageystay oo farxaddiisa aan la dhoola cadeeyay baan ku iri ” waan gartaty’e, hadii dhexdiina uusan wax jaceyl ah dhex marin yaa qorshahan wada?”, “qorshaha waxaa wadda hooyo” buu iigu war gaabiyay haddana, “oo sidee?” baan anna ku dhahay”, markaasuu yiri ” gabadha waa gabar xaafaddeena Muqdisho, meel aan ka fogeyn degan, waxay ka dhalatay qoys waxoogaa iska liita, marka hooyaa inta quruxdeeda iyo wanaageeda ka yaabtay cidooda la hadashay, oo lacag badan iyo aroos laga yaabo u ballan qaaday, wayna ogolaadeen, kadibna aniga ayay gabadha sawirkeeda ii soo dirtay, anna markaan sawirka arkayba qalinka ayaan ku duugay qorshaha hooyo, marka saaxiibkeygiiyow xaalka waa saas”, “waan gartay” intaan ku dhahay, baan u raaciyay “gabdha magaceed?’, magac baan ka sugayay hees buuba ii galay, isaga oo leh “Hanaan socodka laafyaha Hagar la’i wax qabashada Hindisiiyo falaada Hab celinta sheekada Haddaan hooyadeed korin Ama aan caano la hubin Ma heeseen asluubtiyo Edebtiiyo Xishoodkee” haduu intaas heesta marinayo ayaan ku dhahay “war aniga ii hees kumaan oranee gabadha aad guursaneyso magaceed?”, intuu qosol la dhacay buu yiri “Xamzow adna sidii damiin oo kale baad rabtaa in far waa weyn wax laguugu dhigo”, “weli kuma fahmin” ayaan haddana dhahay, “Heeskaasi gabadha lagu amaanayo magaceed” buu i weydiiyay haddana, balse waan isaga aamusay, haduu cabaar hadal iga waayay buu isaga oo is xanaajinaya igu yiri “war waad waalatay’e ee naga tag” , kadibna waxa uu ii raaciyay “micnaha waxaan ka wadaa gabadha waxaa la yiraahdaa Istar………………. La soco qeybta 16-aad berri insha allaah. Qeybtii 16-aad Haduu cabaar hadal iga waayay buu isaga oo is xanaajinaya igu yiri “war waad waalatay’e ee naga tag” , kadibna waxa uu ii raaciyay “micnaha waxaan ka wadaa gabadha waxaa la yiraahdaa Istar, markii aan magacaas maqlay, ayaan control-kii iga lumay, aad ayaan uga naxay runtii, ma jecleyn inay nolosheeda dib u saaqdo xasuusta Istarteydii, saaxiibkey ayaa markaas inta isla fekerkeyga ka yaabay, igu yiri “saaxiib maxaa kugu dhacay”, “waxba xusuus hore baan iska galay”, baan anna ugu war qariyay, kadib ayuu i yiri “waadba iga nixisayee!”,. Xaqiiqdii wax aqalbigeyga walaahowga geliyay, ayaa waxa ay ahaayeen magacaas Istar, ee aan maqlay, anigaa isla hadlayoo, mar waxaan is iri “tolow ma Istartaadii baa?’, haddana ani unbaa isku jawaabayoo, waxaan is iri “Istar xiligan waaba hooyo, caruur u leh dhaqtarkii baas, ee waa mid kale waxa uu saaxiibkaa ka hadlayo”, tii iskuma aan qancinee, haddana waxaa la yaab igu noqotay hadlkiisii ahaa “gabar aan isku xaafad nahay oo reer iska tabar darran ka dhalatay”, waxba yaan hadalka kugu daalin’e, anoo isku dayaya inaan ka ogaado isaga ayaan ku iri “war adiga i yiriyee, gabadha hadaad aragto adaa deg deg ku go’aansanaya inaad guursato ee maad sawirkeeda i tustid”, balse saaxiibkey Asad, arrintaasi waaa uu igaga cudur daartay waxaana ii uu sheegay in sawirkeeda uu kaga soo tagay USA. Hadaan maalmo wada joognay ayuu Asad, iila yimid qorshe aan xisaabta igugu jirin waxaana uu iga codsaday inaan u raaco Somalia, si aan uga qeyb galo arooskiisa, hase yeeshee waan ka diiday arrintaas, wax walba waa uu sameeyay si uu igaga dhaadhciyo inaan raaco, anna intaa waan ka dhego adeegayay, hadaan cabaar isla doodeynay oo uu iga aqbali waayay diidmadeyda, ayaan go’aan ku gaaray inaan saaxiibkey runta u sheego, oo aan shaaca ka qaado wixii na kala qabsaday aniga iyo qoyskeyga, ee ahaa inay cadaatay inaysan i dhalin, markaasuu i yiri “oo sidee maxaa dhacay”, anna anoo arrinta Istar shaaca ka qaadin ayaan ku iri “gabar aan jeclaaday ayuu aabe ii diiday oo ina adeertey buu rabay inuu igu qasbo, markaan diidayna waxuu ii sheegay wax uu weligii iga qarin jiray, oo ahaa inuusan i dhalin, kadibna Somalia waanba isaga soo tagay”. Sheekadaasi saaxbiikey waxay ku noqotay mid uu ka naxay, waxaana uu iila yimid qorshe ah inuu Somalia igu celinayo oo aniga iyo waalidkii isoo koriyay dib na isugu kaaya naqayo, adiga waxay doontaba ha ahaatee, waxaan aqbaly inaan Somalia ku laabto, oo aan saaxiibkey raaco, si aan arooskiisa uga qeyb galo, islamarkaana aniga iyo waalidkey aan dib isku aragno, oo aan wixii hore iska ilaawo nolol cusubna aan aas aasto, sidaasi ayaana meel isla dhignay. dhowr maalmood kadib markii qorshaha saaxiibkey, aan aqbalay kadib ayaan dib ugu laabanay aniga iyo isagaba dalka Somalia, waxaan tagnay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, oo labadayadaba aanu ku nooleyn, markaan caga dhiganay garoonka diyaaradaha ee Mogadishu International Airport, ayaan halkaasi telefoon kaga diray gurigeena, nasiib wanaag waxaa telefoonka iga qabatay gabar jaariyad ahayd, war badan lama gelinee waxaan ku iri “Anas ila hadalsii”, iyana “waa yahay” bay iigu hadal gaabisay, waxaana ii xigay codkii Anas oo dhahaya “waa kuma’, “waa Xamza” baan ku iri, walaalkey dhowr daqiiqo ayuu oohin igaga aamusnaa, kadibna sheeko dheer ayaa na dhexmartay, “arrintan cidda ka qari” baan ku iri, waxaana ku degay guriga saaxiibkey Asad. Maalmo hadaan halkaasi ku noolaa, ayaa saaxiibkey iyo walaalkey dadaal dheer kadib waxa ay ku guuleysteen inay waalidkey iyo aniga dib na isugu kaaya celiyaan, aabahey isoo koriyay waa uu ka qoomameeyay wixii dhacay, anna waan iska cafiyay, halkaasi ayaana nolo cusub ka bilaabay. Hadaan toddobaad gurigeena dib ugu noolaa, ayaa subax waxaa ii yimid, saaxiibkey Asad, waxaana ii ugu yiri “galabta waanu is raaceynaa”, “oo xagee?”, baan ku iri, isna waxa uu iigu jawaabay” waxaan ku soo barayaa, gabadha aan guursan rabo, ee Istar”, waxay ahayd arrin aad u xiisanayay bal sidaan usoo kala ogaado in tani ay Istarteyda tahay iyo in kale, waana ka qabaly saxiibkey. Galabkii mar ay tahay 4:30pm, ayaa waxaa ii yimid Asad, waxaana isku raacnay guriga gabadha uu guursan rabay oo aan sidaasi uga sii fogeyn gurigooda, sidii wadada Maka Al-Mukaramah, uu noogu waday ayuu iga leexiyay jiiradkii aan ka leexday subaxii aan isga sagootinayay, islamarkaana baranayay Istarteydii, waan shakiyay aniga, hadana kuma sii dheeraan’e waxaan niyadda iska iri “bal eeg waxa yimaada”, hadaan cabaar soconay, ayuu gaarigii noogu baakimay iridkii hore ee guriga gacalisadeydii hore ee Istar, oo waxooga is bedel uu ka muuqdo, durbadiiba waxaa ii cadaatay in qofka saaxiibkey calafkiisa uu muuqata ay tahay qaalideydii hore, gurigii ayaan galnay, waxaan ku arkay dad igu cusub, kadib ayaan galnay qol waxaana noo soo gashay gabar aad u carfeysa una labisan, hadaan sidaa u eegay, waaba Istarteydii……………. La soco qeybta 17-aad berri insha allaah. Qeybtii 17-aad Waxaan ku arkay dad igu cusub, kadib ayaan galnay qol waxaana noo soo gashay gabar aad u carfeysa una labisan, hadaan sidaa u eegay, waaba Istarteydii. Waxaan dhihi karaa wixii markaasi ka dambeeyay, ma garan karo waxa dhacay, waxaanse ka xasuustaa in xaalka uu igu cakirmay, waxaan xitaa ku sigtay inaan naxdin dareteed la suuxo. daqiiqadahaasi, waxaan ku asteeyay kuwii nolosheeda ugu xumaa uguna naxdinta badnaa, wejiga ayaan hoos aadiyay, aniga oo ayada ka cabsanaya sidii qof ay aragtay oo ay garaneyso oo kale. cabaar hadaan xaalkaa ku sugna, ayaa Istar iyo Asad, oo kullankaasi uu u ahaa koodii labaad oo kaliya, sida uu isaga horey iigu sheegay ay isa salaameen, kadib ayaa Asad hadlayoo, oo Istar ku yiri “Gacaliso, wiilkan aan ku baro, waa saaxiibkey qaaliga ah, aniga ayuu ila yimid, waxaa la yiraahdaa Xamza, Xamza adna gabadhan waa mustaqbalkeyga iyo gabadha aan guursan lahaa, waa Istar”, markaasaan inta hadlka aniga qaatay, waxoogaana codkeyga bedelay, oo warkan soo koobay ku iri “barasho wanaagsan walaal”, waxaase aad u adkaatay jawaab laga helo dhankeeda, waxa ay u ekeetay sida qof dambi gale oo kale oo fiiktaal ah, dhidid baaba kasoo qubtay, wax hadal ahna ma aysan oran. Hadii ay iyadii sidaaa ku aamustay, aniga aan eegmo ugu dhaqaaqay baa inta Asad labadeenaba naga yaabay yiri “Istar, maxaad wiilka uga aamustay, mise barashada ayadaan ku faraxsaneyn”, kadib ayay ayada oo aad moodo inay carro ka tan badisay tiri “Wiilkan xaguu degan yahay”, “deganaasho hanoo dambeysee bal horta is barta”, baa haddana Asad yiri. Isaga inuu na iskaaya baro ayuu u hollanaa, iyana waxay raadineysaaa bal inay Xamzahan ogaato, sidaaan qiyaasayayna shaki ayaa galay. hadii xaal sidaa ahaa, ayaan aniga qidad cayaaray, si aysan ii ogaan, markaasaan inta Asad la hadlay waxaan ku iri “Saaxiibow, wax yar i sug bal banaankaan u baxayaaa”, “maxaa kugu dhacay” buu isna yiri “waxba” baan iri anoo sii istaagaya, waxaana usii raaciyay “waan idiin soo noqonaa”, “waa yahay”, buu markaa i yiri, kadibna waan iska baxay, waxaana toos u abaaray, xaafadeeda. Xilli ay tahay maqribkii oo kale, baa Asadkii guriga iga soo raadiyay, kadibna waxa uu i weydiiyay waxa igu dhacay, balse anoo ka kor baxaya, waxna u qarinaya, ayaan ku iri “war gabdha, soo taad aragtay inay xishood la hagoogatay, marka waxaan is iri bal sheekada lamaanaha ha qasin”, isagii baa hadalka qaatay oo i yiri haddana “nin yahow, waxaanba is iri labadan qof ma horey bay isku garan jireen”, “oo sidee baan ku iri?”, markaasuu i yiri “horta marka hore waxaan ka yaabay, sida aad u kala xishooteen, tan kalena, markii aad naga soo tagtayba aniga iyo ayada wax wada hadalo qaas ah oo na dhex maray wayba yaraayeen, oo intaas adi bay i kaa weydiineysay, wiilkan yaa waaye, xaguu degan yahay, Xamza, maxaa loogu daraa? iyo su’aalo kale, ayay raaxada igaga celisay?. Ninkii saxiibkee ahaa ee Asad, naxdintii buuba igu sii kordhiyay, oo waxaan is iri “armuu faalooyinkaaga oo dhan siiyay, oo isagiina wax soo ogaaday’, markaasaan ku dhahay “haye ma u sheegtay marka?”, “maya” buu igu yiri, waxaana uu ii daba dhigay “adoon kula tashin miyaan wax walba iska sheegaa, sidee kaa noqotay ma jaahil baad i mooday?, kadib ayuu saaxiibkey waxa uu igu yiri “nin yahow tuhunka aan qabo wax ma ka jiraa, oo gabadhan horey miyaad isku garaneyseen?, “maya, weligeenba isma arag oo galabtaaba igugu horeysay” baan ku iri, “, intaa kadib Asad, waxaad mooday inuu wax walba labadeena waji uu ka aqristay, waxaana ka dareemay tuhun aad u weyn, kadibna waxa ii igu yiri “ogow, hadaad wax iga qariso maalin ay ahaataba waan soo saari doonaa”, anna waxaan ku dhahay “oo haddayba jiraan waxaan kaa qarinayo soo saar”, waa yahay iyo waayahay, baana ku kala tagnay. Markuu iga tagay, kadib ayaan cabsi dareemay, waxana ogaaa in wax walba uu ku ogaan karo oo kaliya, isaga oo magaceyga oo saddexan iyo xaafadeeda u sheego Istar, kadib ayaan ka fekeray sidii aan uga baaqsan lahaa inaan niyad jab saaxiibkey ku abuuro, waayo hadayba Istar ogaato inaan weli noolahay oo aan wehel la ahay nin kale insayn ogolaaneyn baaa is tusay, waxaana go’aan saday inaan inta uu arooskooda ka dhacayo aan UK isaga maqnaado…………… La soco qeybta 18-aad berri insha allaah. Qeybtii 18-aad. Waxaan go’aan ku gaaray inaan aado oo aan inta uu arooska Istar iyo Asad ka dhacayo isaga maqnaado Dalka UK , si aan uga baaqsado inaan caqabad ku noqdo arooskooda, waayo nolosheeda ayaa horey u bur burtay mana jecleyn inaan tan saaxiibkey Asad baa bi’iyo, sidaasi, ayaana go’aan ku gaaray. Intii aan aniga ku maqnaa qorshaha aan ku qaban qaabaniyay safarkeyga dalka Ingiriiska, ayaa saaxiibkey Asadna, waxa uu ku maqnaa raadinta arrimaha aniga iyo Istar. si kastaba waxaan ku guuleystay in muddo afar maalmood gudahood ah aan ku diyaariyo safarka, waxaana xitaa ka qariyay Asad, waayo waxaan ogaa inay iman doonaan su’aalo badan, uuna sinnaba u ogolaan lahayn. Subax ay tahay arbaco, khamiisna aan is lee yahay bal dhoof, ayaa saaxiibkey Asad hurdada iga toosiyay xilli ay saacadda sii mareyso sideedii subaxnimo, intaan dhinac isku gediyay ayaan eegay mise waaba Asad, markaasaan inta soo fariistay ku iri “saaka, adigii hurdada saaxiibka u ahaa baaba i toosinayee, maxaa jira?”, waxba hadal badan iima gelinee waxa uu warka iigu koobiyay “orod biyo isku soo shub, isna diyaari”, “waa yahay” intaan dhahay, ayaan haf kasoo iri sariirta, qubeys iyo is diyaarin kadib ayuu igu yiri “ina keen”, waxaana uu ii kaxeeyay oo uu i geeyay gurigooda kadib waxaa na dhex martay sheeko dheer oo u dhacday sidan:- Asad: horta Xamzow xalay ka hor waxaan kuu heestay saaxiib wanaagsan, laakiin waa kaa hoos baxday, maxaad waxaan oo dhan igaga qarisay? Aniga: Hee saaxiibow, maxaa dhacay?, maxaan kaa qariyay? Asad; Waxaad iga qarisay noloshaada dhabta ah iyo wacadaraha aad aduunka kusoo martay Aniga: oo sidee?, oo hadda miyaadan wax ka ogeyn nolosheeda? Asad:maxaad igaga qarisay, wixii horey idiin dhex maray adiga iyo Istar Jaamac Dheere, ama haddaan si kale u iraahdo Istarta aan guursan rabo. Markii uu su’aashaasi i weydiiyay ayaan aad u naxay, oo aan fadhiga ka kacaya, anoo oranaya, “adiga maxada sameysay yaaq, yaa ku yiri arrimahan tix raac, waan ku baryayaa Asad, waxaas waa tageen waqtigooduna wuu idlaaday ee dib ha u raacin? Asad: dib ha u raacin maxay tahay, wax walba oo noloshaada ku saabsan waad iga qarisay, mideeda kale waxaad sameysay ma ahan wax loo dul qaadan karo, gabadhaas Istar ahna godob ayaad ka gashay, imisa sano ayaad nolol la’aan dhigtay ma garanee?, waxaan ku moodaya nin nolosha wax ka fahamsan laakiin, jaahil baad ka tahay dhankaas. Aniga: laakiin aniga wax walba dareteed ayaan u sameeyay, iyo caafimaadkeeda? Asad: taas caafimaad lama dhaho, haduu dhaqtarka sidaa sameeyay, waxaa kugu filneyd odoo aniga isoo waca, islamarkaana inta is kaashano aan gabadha dibedda kusuoo daweyno, markaad nolosheeda bur burineysay, middda kale ma la socotaa indha la’aan ay kugu hesho, ayay ka doorbideysaa, ayada oo araga kugu weysa. Aniga: hadda waxaas waa ay dhaceen, anigana sidaa uma fekerin, ee waxaan ku su’aalay adiga sidee baad kusoo ogaatay arrintan, ma ayadaa wareysatay, oo waxaan ahay u sheegtay? Asad: aniga ilaa iyo hadda ayada waxba uma sheegin, markay Xamzahan yaa waayay iga bad badisay, ayaana ku iri “maxay tahay saameyta uu kugu lee yahay”, way ka dhego adeegtay, laakiin ugu dambeysan wax walba oo nolosheeda ku saabsan way ii sheegtay, sidaa ayaana ku ogaaday in Xamzaha gabadha waalay aad adiga tahay. Aniga: waa ok, hadaadan waxba u sheegin haddana gabadhaas way iska key ilowday ee waxba ha u sheegin waan ku baryayaaa, taasaan kaa codsanaaa, si guurkiina uu u dhaco? Asad: hadaad mooday inay ku ilowday, walaahi baysan xitaaa toban sano hadda dhiman ku ilaawi doonin, ileen waxaad gabadha uga tagtay, qalbigeeda dhabta ah ayaadan fahmin, mideeda kale guur baad ka hadleysaa, gabar Xamza qalbigeeda ku qufalan yahay miyaa nolol i isiin karta aniga? Aniga: si kastaba gabadhaas noloshaas dib ha u xasuusin, hadda inay iska key ilowdo ayay ku dhowdahay’e, adna nolol cusub oo farxad badan sii. Asad:Istar, inaad joogto inay ogaato waa lagama maarmaan, waxaana kuu sheegayaa, aniga xalay ayaanba nolosheeda iyo arooskeeda go’aan ku gaaray inaan ka tanaasulo. Aniga:oo maxaa marka la sameynaa? Asad;, waxaa la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay midkeedii horey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan? Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin. La soco qeybta 19-aad Berri insha Allaah. Qeybtii 19aad. Asad: Waxaa la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay midkeedii horey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan? Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin. Marka aan sidaa lahaa, oo aan diidamada muujinayay igama ahayn inaan Istar nacay oo aan ka samray, si aksta oo aan ku heli karo waan sameyn lahaa, haddana waxaan mar walba ka fekerayay sida ay noqon doonto nolosha saaxiibkey, waxaan is tusay in maadama ay nolosheeda horey u guul darreysatay oo aan ku dhowaa xiligaasi inaan wax walba iska ilaawo, aan tan saaxiibkey dhiso. Si kastaba diidmadeyda ma noqon, mid aan ku guuleystay, waayo Asad isagaa diiday in Istar qof aan aniga ahayn uu guursado, isaga oo eegaya Jaceylka baaxada weyn oo ay ii heysay iyo sida uu isaga isku samir siin karo, maadaama uusan wax jaceyl ah u heyn oo ay ahaayeen laba qof oo waalid un uu isku keenay, waxaana ugu dambeyn uu saaxiibkey Asad i ogoleysiiyay inaan jaceylkeygii hore dib u hanto, oo aan la aqal galo, sidaas ayaana isku raacnay. Aniga iyo Asad, ayaa maalin ballanay si aan ugu tagno Istar, oo wax walba loogu sheego. maalintii ballanta oo ahayd Jimce, ayaa marti qaad balaaran waxaa lagu sameeyay guriga Istar. markii la isku yimid oo saddexdeena aan qol ku kullanay, ayaa cabitaan kadib waxaa sheekadii furay Asad, oo yiri “Istarey, waxaad igaga warantaa Xamza, sida uu noloshaada ku ahaa, iyo hadaad hesho wax aad dareemi lahayd”, intay wejiga hoos aadisay, ayay cod daciif ah ku tiri “Asadow, ma murugadeeda ayaad iska jeceshahay, maxaad qisadaas ii xusuusineysaa”, Asad ayaa isaga oo ka farxinaya yiri dabadeed, “murugadaada ma jecliyee, maanta farxadaada ayaan wadaa” “hee, Xamza maad soo aragtay” ayay lasoo booday, markaasuu inta qosol la dhacay yiri “haa waan arkaa Xamza, adna wada aragtaa”, ‘maxaad ka wadaa” ayay haddana tiri, markaasuu inta warka shaaca ka qaaday ku yiri “Istar, Xamzaha ku hor fadhiya, waa Xamzahaaga oo dib kuugu soo noqday”. Iintaa kadib ayaan aniga hadalka qaatay bal si aan u iraahdo erayo ay igu garaneysay, misna codkeyga aan u fahamsiiyo anoo dhahahaya “haye quruxleyda, Xamza waa aniga, waana kuusoo laabtay”. markii ay intaas maqashay ayay durbaba garatay, inaan ahay qaaligeedii, kadibna intay fadhiga si deg deg ah uga soo kacday ayay isku key duubtay. qiyaastii in ka badan 30 daqiiqo, ayay sidaasi iigu duubneyd, ayada oo ilmeyneysa, waxa kaliya ee afkeeda kasoo baxayayna ay ahaayeen, “Maxaad igaga fogaatay, xabiibi”, anan waxaan lahaa “wax walba way qornaayeen inaan isku soo laabanana way qorneyd”. Intaa kadib waxaa halkaasi aniga iyo ayada nagu dhex martay sheeko aad u dheer, oo aan isaga warameynay wixii dhacay, wax walba waan ka raali geliyay, waxaana saamaxaadeeda gacan ka geysanayay Asad, oo sidoo kale ugu bishaareeyay Istar in isaga uu ka tanaasualy arooska, oo jaceylkii kala irdhoobay uu dib isugu ogolaanayo. warkaasi wuxuu noqday mid farxad ku beeray qalbiga Istar oo ay aad ugu riyaaqday. Istar ayaa sidoo kale ii sheegtay in arooskii dhaqtarka ee qasabka ahaa oo cideeda ay wax la wadeen uu ku baaqday, markii isaga uu safar deg deg ah ugu baxay dalka Jarmalka oo uu degenaa, kadibna aan miriqdiisa la arag. waxa ay ahaataba maalinkaasi waxa uu ahaa maalinkii farxadda Istar iyo aniga. Istar wax ay mar walba igu soo cel celineysay, hal weer oo ahayd “Gacaliye mar dambe ha iga fogaan”, anna waxaan lahaa “taas waa ballan ee niyadda kheyr u sheeg”. Waxa uu kullankeena ku dhaamday si guul iyo farxad ah, mar ay tahay casir gaabkii ayaan guriga kasoo baxnay, Aniga iyo Asad, waxaanse aad ula yaabay oo aan ka naxay, mar alaale markii aan albaabka kasoo baxeynay, ayaan waxaan la kulanay gaari albaabka markaas soo istaagay, waxaana kasoo degay saddex nin. si fiican ayaan u eegay, waxaana ka aqoonsaday dhaqtarkii Istar daweeyay. waxay igu noqotay arrin lama filaan ah, markii aan gartay ayaan wejige dhinac kale aadiyay si uusan ii aqoonsan, kadibna sadexdii ninba guriga Istar ayay galeen, ani iyo Asadna waan iska soo tagnay, waxaan is weydiiyay wax dhaqtarka soo celiyay, marbay igu noqotay wax u eg dhalanteed, oo aan is iri waa indhahaaga, haddana waan xaqiijiyay in indhaheyga aysan been ii sheegeynin, aniga oo aad u fekeraya ayaan aniga iyo Asad iska soo tagnay……………. La soco qeybta 20–aad Berri insha Allaah. Qeybtii 20-aad. Aniga oo aad u fekeraya ayaan aniga iyo Asad iska soo tagnay. Habeenkii feker iyo walaahow, ayaan ku seexday, waxa qalbigeyga gubayay, ayaa waxa ay ahaayeen cabsi ku saabsaneyd in caqabado hor leh ay yimaadeen iyo wax dhaqtarka baas dib usoo celiyay. Subaxii markii waagu dilaacay, ayaa waxaa igu soo dheelmaday Istar iyo Asad oo wada socday, markii qolkeyga loo soo gudbiyay, ayaa Asad hurdada iga toosiyay, mar alle iyo markii aan dhaayo ka qaadayba, waan gartay in wax ay jiraan. Naxdin saa’id ah ayaa ka muuqatay Istar, waxaana eraydii ugu horeeyay ee kasoo burqaday afkeeda ay ahaayeen “Xamza, wax ma ogid dhaqtarkii ayaa soo laabtay, wuxuuna lee yahay anaa guursanaya gabadha, hooyana way ka ogolaatay ee maxaa talo ah”. hadlkeedaasi runtii falaar wadnaha igaga dhacday oo kale waa uu iga xanuun badnaa, hase yeeshee anoo ku tashanaya kalsooni aan horey hooyadeed uga heestay ayaan ku dhahay “dhib ma lahan, anaa hooyo la hadlaya”. Intaa kadib saddexdeena oo wada socona ayaan guriga Istar usoo dhaqaaqnay, si aan arrinta u guda galno, waxaan guriga ku arkay rag aad u tir badan oo wax ay yihiin aanan garan, bals waxba isma raacinee, howsheeda ayaan ka watay, waxaana la kulmay Istar hooyadeed si aan wax uga dhaadhiciyo. nasiib darrose, way igu gacan seertay. waxaan xitaa ugu manad sheegtay jaceylka aan Istar isla soo marnay iyo abaalka aan u galay, laakiin jawaabta ay isiisay waxa ay noqotay ayada oo i tiri “indha fiiqista Istar, abaal ka weyn ma jiro taasna dhaqtarka ayaa iska leh, ee wax kale sheeg”. Si kastaba dhinac kasta oo aan ka maray, waan ku guul darreystay. waxay xitaa kale oo ay igu qalbi dilaacisay in saddex maalmood kadib uu arooska Istar dhici doono. talo ayaa igu cadaatay meel aan wax ka bilaabana waan garan waayay, anoo yaaban ayaan habartii kasoo tagay waxaan is iri bal adiga iyo Istar is wareesta oo ka tashta mashaqada cusub, haddaan is iri bal banaanka ula bax, waaba tan hooyadeed oo ku qeylineysa, “haye kaabe, ha isku dayin inaad gabadha la baxsato, waxa rag ah ee guriga dhooban ayada ayay ilaalo ka yihiin”. warkii horeba war soo dahaaf, waxaan is iri “dhaqtarka baas goormuu waxaan qorshaha soo diyaariyay”, kadib ayaan Istar inta guriga kula dhex hadlay ku iri “kheyr u sheeg niyadda, waan is heleynaa”, “iyana waa yahay adaan kaa war sugayaa”ayay igu tiri, sidaas ayaana kaga soo tagay. Maalinkaasi, waxa uu noqday maalin kale oo murugo leh oo nolosheeda soo maray, ilaa laga gaaray labadii maalin ee xigtay oo dhan waxaan ka fekereynay aniga iyo saaxiibkey Asad, waxa aan sameyn doono, si aan caqabdan uga hortagno, hadda xal waan heli weynay, waqtigana ciriiri buu nagu ahaa oo maalin qura ayaa hartay, aniga iyo Asad oo maalinkii arooska maalinta ka horeyay gurigeena fadhina oo wada hadleyna, ayaa waxaa noo timid, gabar aniga i raadinyesa, markii qolkeyga loo soo gudbiyay waxay ii dhiibtay warqad ay ii sheegtay inay ka timid dhanka Istar, “waad mahad san tahay” intaan ku niri ayay iska baxday, iniga oo farxad iyo naxdin ay na isugu kaaya darsan yihiin ayaan warqadii kala furnay si aan u aqrino, waxayna u dhigneyd sidan: Dear Xamza. Waxaan kugu salaamayaa salaaan huwan, dareemada jirkeyga oo idli, salaan samir siin ah, salaan kalgaceyl, salaan murugo leh, iyo salaan macsalaameyn ah. Salaan kadib sidaad la socotidba, aniga waxaa la doonayaa in beri la igu daro, qof aysan nafsadeeda raali ka ahayn, si la ii dhinac mariyo kaan dunida ka doortay ee Xamza, islamarkaana nolosheeda murugo loogu horseedo. ma u maleynayo inaan u adkeysan karo nolol kale oo dhib badan, kadib waayitaankii aan adiga horey kuu waayay, waxaa cad inaan si naba looga hortagi karin arrooska lagu wado in beri la qabto, si dhaqtarkan baas qasab la iigu daro, waa wax aan u dul qaadan karin taas. Xamzow waxaan u maleynayaa inay isku mid kuu tahay hadaan nin kale u dhaxo, iyo hadaadba aniga oo dhan muuqeyga weydo. sidaa darteed, maadaama aadan sinnaba ii heli karin ayaan go’aan ku gaaray inaan isaga tago dunida, si aan dhibkeeda uga nasto, aana uga baaqsado inaan bur buriyo wacadkii aan horey u maray oo ahaa inaan u dhixin nin aan adiga ahayn, adigana cadow baa iga kaa hor istaagay. Xamzow, mar alaale marka ay warqaddan gabadha iga soo qaado, ayaan go’aan ku gaaray inaan is dilo, waxaan kuu rajeynaa nolo farxad badan, nolo macaan, nolol hor mar leh iyo nolol guul ku dhisan, aniga waan is dilay. waxaan ku lee yahay ifka hibo ku noolow aakhirana halkii roon. Waxaan kaa codsanayaa hadaad i jeceshahay inaadan noloshaada dhib u horseedin. Xamzow nolol cuusub abuuro macaane anigana Iska Key Illow. By: Gacalisadaada dunida ka tagtay ee Istar. Markii aan warqadda aqrinay ayaan aniga iyo Asad baabuur lasoo cararnay si aan isugu dayno inaa is dilkeeda ka hor tagno, laakiin nasiib darro waxaan tagnay gurigii oo lagu buuqsan yahay, geerida ka dhacday darteed. nolosheedii halkaasi ayay ku bur burtay, oo ilaa iyo haddana ma guursan, si aan u sharfo jaceylkii Istar, maadama aysan nin kale u dhixin ayaan anna waxaan didiay inaan gabar kale guursado Dhamaad Afeef: Waxaan ka afeefanayaa wixii qaladaad ah ee iga dhacay, waayo qoraa dhameystira ma jiro, waana soo dhowaanaa cidda fikrad igu biirineysa shekooinka dambe ee aan soo wado insha allah.
My E-mail
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
My Address
Thisis M. Name1234N A StreetMy City, ST. 89098
My Phone Numbers
work: (123) 456-7890fax: (123) 456-7890
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 
 

 

Google+