updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Qoys Maxkamed lagu saarayo Cunugooda oo dhashay 11 sept iyo Funaanad

  • Published in Dhacdooyinka

 

 

Wiilyar oo 3 jir ah ayaa Adeerkii uga soo gadey suuqa Funaanad ay ku qorantahay waxaan ahay Bomb. dhabarka waxaa kaga qoran  Jihad. wiilka yar ayaa la aaday dugsiga barbaarinta caruurta isaga oo xidhan funaanada ,


Funaanadan ayaa ku  noqotay qoyskii arin heer maxkadeed laysla gaadho dacwadeedii ,sida aanu ka soo xiganay Jariidada Leparisien. ee ku hadasha afka Fransiska kana soo baxda magaaladda Paris cadadkeedii pullie le 19.2012.

 

Hooyadda cugunga dhashay


Wiilkan ayaa ay taariikhdiisa dhalashadu tahay 11 sept, oo ah maalinti diyaaradda lagu qarxiyay wadan Maraykanka.

Cunugan yar ayaa islamarkiiba inta sawiro laga qaaday loo diray Maamulka magaaladda.
Duqa magaaladda  oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay inuu eeda dusha ka saarayo
Hooyadii iyo Adeerkii, waxaanu sheegay inay u adeegsadeen fariin siyaasadeed cunuga saqiirka ah.
Maxkamad loo balansanaa  arabacadii la soo dhaafay ayaa dib loogu dhigay  bisha seddexaad ee sanadka 2013ka

 
 

 

Google+